Maamulka Puntland oo Sharuud Ku Xirey Ka Qeybgalka Shirka Dhuusamareeb

0
189

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu cadeeya mowqifkooda ku aadan ka qeyb-galka Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Puntland waxaa ay sheegtay in ay marka hore bogaadineyso qodobadii kasoo baxay shirarkii hore uga dhacay Magaalada dhuusamareeb, sidoo kale ay ka xun tahay Go’aankii shari carrada ahaa ee Golaha Shacabka ay ku rideen Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Puntland ayaa soo bandhigtay sababaha ay ku diiday ka qeyb-galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb 5 Saharuudood oo ku saabsan xaalada dalka iyo go’aamada kasoo bixi kara shirka, kuwaas oo kala ah.