Nin Dadkiisa Daryeeli Waayey oo Loogu Yeerey In uu Dad Kale La Hadlo

0
104

Hogaamiyaha maamulka konfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maalintii shaley waxaa uu ka qeyb galey shir weynahii beesha mudulood ay maalmahan ku lahaayeen magalada muqdisho kaasoo ahaa heer gabagabo.

Cabdicasiis ayaa qudbad uu halkaasi ka jeediyey ku amaaney beesha mudulood kulanka wadatashi ay sameysteen isla markaana ku tilmaamay mid ku dayasho mudan una horseeda somali oo dhan nabad.

Balse suaasha u baahan in la is weydiiyo wexey tahay maxaa u diidey Cabcasiis in dadka uu sheeganaayo in uu masuul ka yahay in sidan oo kale isugu keeno isla markaana nabadeeyo inta uu ka shaqeyn lahaa kala qeybi ee qori isugu dhiib kadibna xukun.

Tan iyo intii Cabdi casiis Lafta gareen la keensadey maamulka koonfur galbeed waxaa deegaanada maamulka koonfur galbeed kusoo badanaayey dagaalo beeleedyo u dhexeeya beelaha dega deegaanadaas taasoo dad badani ay ku dhinteen ilaa iyo maantana aysan jirin wax uu ka qabtey nabadeynta shacabka koonfur galbeed.

Sida aan lawada socono guud ahaan dalka waxaa ka dhacay kulamo nabadeyn ah taasooo ay dhaqaale ku bixineysay beesha caalamka kulamadaas oo qaarkood ka dhacay maamulka Galmudug, kan jubaland iyo weliba kan hirshabeele aaweyse dhaqaalihii loogu tala galay in lagu qabtey kulanka nabadeynta reer koonfur galbeed.

Dorashadii macmalka eheyd ee ka dhacdey magalada baydhabo kadib waxaa jirey dhaqaale ay beesha caalamka ugu tala gashay in gogol loogu dhigo beelaha Digil iyo Mirifle si loosoo afjaro wixii xumaan ah ee meesha ka dhacay dhaqaalahaas soo qaadistiisa ayaa waxaa horboodayey kooxda isku tilmaantey isbedel doonka yaa noo sheegi kara halka uu ku dambeeyey dhaqaalahaas?

Isku soo wada duub siyaasiyiinta beelaha digil iyo mirifle ayaa intooda badan iska noqotey maacuun la isticmaalo kolka dan laga leeyahay kulamadana looga yeerto kolka la doonayo in hoolka shirarka lagu buuxsado balse wexeysan weli garan in ay u istaagaan mustaqbalka shacabka reer koonfur galbeed.