Wasiirka Maaliyada oo Maanta Kulan La Qaatey Xubno ka Tirsan IMF

0
49

Wasiirka maaliyadda ee dowlada federaallka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan dhanka zoomka ah la qaatay xubno ka tirsan hay’addaha lacagta Aduunka ee IMF iyo World Bank waxaana ay kaga wada-hadleen saameynta covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in shirkan ay soo qaban qaabiyeen hay’adaha IMF iyo World Banka waxaana sidoo kale ka qeyb-galay wasiiradda Maaliyadda ee qaaradda Africa hase ahaate waxaa uga badnaan xoogga lagu saaray sidoo qaaradda ay isaga kaashan laheyd ka hortagga saameynta uu ku yeshay dhaqaalaha Africa covid-19.

Ugu dambeyn wasiirka maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa aan uga mahadcelinayay labada hey’adood sida ay had iyo jeer noo garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.