Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
61

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta.