14-KA JUUN MAALINTA XASUUQA REER MAAYLAND Ee GALMUDUG STATE LAAKIIN!!

0
133

14-ka Juun waa xiliga loo asteeyay Maalinta Xasuuqa Reer Maayland Galmudug State, waxaana maanta oo kale ay ku beegaantahay kolkii aqoonyahano iyo ganacsato Reer Maayland marras ah waxba aan galabsan si arxandarra loogu xasuuqay magaalooyinka kala duduwan gudaha gobollada Galguduud iyo Mudug la isku yiraahdo Galmudug State.

Haddaynu faallo kooban ka bixino qaabkii uu xasuuqa naxariisdaridu u dhacay, waxaa goor fiid ah magaalada Gaalkacyo qaybteeda Koonfureed maqaayadaha yimid gawaari tegnikooyin ah ciidamo ay la socdaan, waxaana ay si kala sooca luuqadda Maayga iyago ka raacaya ay mid mid iyo xayn xaynba u kaxaysteen rag dhallinyaro u dhashay Maayland isugu jiray bulshada qaybaheeda kala geddisan ayna u badnaayeen ganacsato, kuwaaso isaga shaahayay biibitooyinka shaaha laga cabo.

Goortii la watay dhallinyaradii Reer Maayland, ciidamada Reer Galmudug Salballaar waxaa ay ku qaadeen baabuurtii gaashaanayd oo ay wateen iyago geeyay daafaha magaalada, halkaana intay safaf gelsheen qoryaha dhashiikayaasha Cabdibiliyaashu ay saaran yihiin mid mid iyo wadajirba baas ugu shannaqay, bartiina ay kaga soo tageen maydadkii Reer Maayland oo si gardarra goobtaa loogu xasuuqay, sifo ka baxsan Islaamnimada iyo ta Soomaalinimadii la sheegan jiray in lagu walaal yahay iyo waliba xitaa ta bini aadamnimada.

Xasuuqaasi foosha xun markii uu dhacay isla fiidnimadaasi, waxa xasuuqaasi ka sii xanuun badan oo ay ku kaceen Reer Galmudug Salballaartu waxaa uu ahaa, in baraha bulshadu intay (LIVES) muuqaallo toos ah ka soo galeen ooy maydadkii Reer Maayland ay xasuuqeen ku tilmaameen inay arggaggixiso ahaayeen, waxaana warku ay u dhigeen oo ay yiraahdeen “14 Eelaay-Wiiq arggiggixisa ah oo qarax soo waday ayaa ciidanka Galmudug ay ka hortageenooy laayeen guul, guul, guul,” iyadoona si iskuduubni ah ooy wada jiraan ay isugu hambalyaynayeen layntaasi ay laayeen muwaaddiniinta Reer Maayland shacabnimada ku joogay Galmudug kana ganacsanayeen gobolladaasi canshuurtuna laga qaadanayay.

Dhibka kaasi ka sii daran waxaa uu ahaa, goortii warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya Southern Media Co-Operation (SMC) iyo Tiimkeeda Jugta Culus dabagal culus ay ku sameeyeen xasuuqaasi kuna saama-leeleen (LIVES) muuqaallo toosa war-tabineed, oo ugu dambayntii Gaalkacyo xaalkeeda iyo siday wax u dhaceen maqal iyo muuqaal dadka horkeeneen, waxaa dadkii Reer Maayland magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ku sugnaa ganacsiyadooda joojiyay isku hawlay soo uruurinta Maydadkii mirtii la laayay isugu tagay isbitalka Gaalkacyo dhanka Koonureed, kolkii ay yiraahdeen “Maydadkeena hanala siiyo, waxaan u qaadanaynaa Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) dhulkeenaan ku aasanaynaa, jawaab looga dhigay rasaas nool nool, waxaana ciidamada Galmudug Salballaar oo maalin cad barkhadii tignikooyin ku hubaysan ay xabbadaha oodda uga qaadeen hoostana ugu dhigeen dadkii Reer Maayand shacabka ahaa Maydadkooda iyo dhaawacyadooda doonayay inay indhaha ka soo qaadaan una qaataan gobolladooda si ay ugu duugtaan wixii la dilay, taasoo meesha ka saaraysa marmarsiiyadii labaad qorshahooda koobaad arggiggixisa-ku-shabbadaynta ahaa kolkuu fashilmay, ay soo dhajiyeen Slaballaartu, in dadka Reer Maayland-ka la laayay lagu khaldamayo kasna aan loo dilino ay kama ahayd layntoodu.

Labadaraale waxaa xusid mudan, 14-ka Juun xasuuqaan magaalada Gaalkacyo ka dhacay 2 casho kahorna, waxaa deegaanka Buluqleey oo qayaastii 20-KM u jidha caasimadda Dhuusamareeb Galmudug State Reer Galmudug habeennimo ay ku xasuuqeen halmar 4 muwaaddiniin dhallinyaro aqoonyahano u dhashay Reer Maayland shinniilayaal ah aqoontooda iyo xooggoogu ku shaqaysanayay xalaal-miirad ahaa, kuwaasoona goortii la laayay kadib la isku dayay in xasuuqooda la qariyo, ama lagu shaabbadeeyo inay arrggiggixiso ahaayeen, taasoo ay warbaahinta SMC iyo Jugta Culus fashilisay si lama filaan ahna muuqaallo cad cad uga keentay maydadka waaddiniintaasi Reer Maayland intaan la duugin markii lagu dhaqayay magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug State.

Mar kale, waxaa xusid mudan, in Mudane Shiikh Shaakir oo markaasi maamulkiisu gacanta ku hayay Magaalada Dhuusamareeb xarunta Galmudug oo intuu idaacadaha isugu yeeray ka soo dhex muuqday uu yiri “waan haynaa gacan-ku-dhiiglayaashii xasuuqay dadka Reer Maayland, caddaaladda ayaana la horkeenaynaa,” taasoo ahayd been aad u wayn iyo dajin la rabay in dadka Reer Maayand lagu dajiyo si aysan u aarsan una layno gubin Reer Galmudugga caradaasi ka badan oo baabuurtooda habeen iyo maalinba maraya dhulka Maayland qaarkoodna daggano ku nool kuna ganacsada si xad-dhaaf ah JBM cid fiirisaana aanu jirin, iyado Mr Shiikh Shaakir inuu been sheegay daliil kuugu filan tahay, raggii gacankudhiiglayaasha Reer Maayland xasuuqay waan haynaa uu yiri, inaanu cidina tusin, caddaalad in la horkeeno warkeedaba daayo taa.

Guntii iyo gabangabadii, dhaawacyadii iyo hanti burburintii Reer Maayland Galmudug loogu gaystay kolka laga yimaado, waxaa 14-kii Juun gobolka iyo badhka Galmudug Sate lagu xasuuqay 19 wiilal dhallinyaro ganacsato aqoonyahanno ah, kuwaaso waxba aanay galabsan rayid ahaa canshuurtana siin jiray maamulka halkaasi ka jiray, iyadoona diyadooda xitaa meel loo wada jeedo cid ay kala xaaltameen aanay jirin iyo hoyasho walaaltinimo toona warkeedu aanay uba soo dhaqaaqin marnaba, taaso khasab ay ku noqotay kuna tahay, dadka Reer Maayland qaaradaha adduunka meel walboy ka joogaan gudaha iyo debeddaba inay 14-ka Juun u asteeyaan Maalinta Xasuuqa Reer Maayland Ee Galmudug State, goor ay go’een geesiyaal intaaso sanadood la soo barbaarinayay korintooda iyo waxbarashadooda dhib kasta laga soo maray, oo si gardaro wuxuushnimo ku jidho halmar Reer Galmudug bareer cad intay soo uruursadeen iyago isir raacaayaa afka Maayga, ay duleedka magaalooyinkooda ugu xasuuqeen “Marti-Dilayayaasha Shacab Ka Adkayayaashu, kuna garaaceen hubka lidka dayuuradaha, xitaa aanay u quurin marinyoodu asqaynta rayidka Reer Maayland qoryaha darandooriga u dhaca ee fudfudud sida AK-47 oo ku filnaan karayay shacbi aan hub wadanin in dhegta dhiigga loogu daro in buuxin kadha aas-wadareed dhulka hoostiisa ah, se qofkii qorax kugu qalay maydkaagu har uma soo jiido, la-aayatan Reer Maayland, 14-ka juun waa Maalintii Xasuuqa Reer Maayland Ee Galmudug state taariikhda qoran guunka ah limbashadana ka fog.

Wiilashuu gumaystuhuu hilibkoodu waraybuu wadnahaygu tabayaan wali walaal qaali ah amar Alle laakiin!!

By.Adam Increase