Maxaa ka Cusub Kulanka Somaliya iyo Somaliland uga Socda Dalka Jabuuti

0
49

Waxaa weli dalka Jabuuti ka socda shirka wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo ay u kulmeen wufuudda labada dhinac si guud iyo si gooni gooni ah, waxaana shirkaas laga soo saaray qodobo hordhac ah oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Maanta ayaa markale waxaa sii socon doona wada-hadallada, waxaana ajandaha ugu weyn ee Maanta uu yahay diyaarinta Guddiyo farsamo oo labada dhinac ka socda,kuwaas oo sii wadi doona wada-hadallada, isla markaana fadhigooda uu noqon doono Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Soomaaliland ay shirka kusoo bandhigtay tabasho ay qabaan, isla markaana uu rajeynayo in wax wanaagsan la wada gaaro.

Soomaaliland ayaa dhankeeda waxaa ay qabtaa in Dowladda Soomaaliya aysan weli fulin waxyaabihii horay loogu heshiiyay, hayeeshee muhiim ay tahay in wax walba sida ay yihiin loo fuliyo.