Gudoomiyaha Aqalka Sare oo Magacaabay Gudi Xaliya Khilaafka u Dhexeeya Xukumada iyo Mucaaradka

0
70

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddi ka kooban sagaal (9) xubnood kuwaas oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan sidii la’isugu soo dhawayn lahaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka si loo dhameeyo arrimaha dhexyaala loogana wada xaajoodo hannaanka doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalka sannadka soo socda.

Gudiga la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:-
1- Gudoomiyaha Aqalka Sare Senetor Cabdi Xaashi Cabdullaahi
2- Senator C/raxmaan Faroole
3- Senator C/risaaq Jurile
4- Senator Cabdi Axmed Dhuxulow
5- Senator Xuseen Sheekh Maxamed
6- Senator Cusmaan Dufle
7- Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
8- Senator C/llaahi Cabdi Garuun
9- Senator Muxiyaddiin Sheekh Cali Jaamac.

Xubnahaan uu Magacaabay waxaa ku jira kuwo si weyn uga soo horjeedda Xukuumadda hadda jirta iyo sidoo kale xubno taageersan laguna tiriyo in ay ku dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.