Dhegeyso Ugaaska Beesha Dabare oo Ka Hadley Xaqiiqada Dhabta ah ee Ka Jirta Degmada Diinsoor

0
556

Waraysi aan la yeelanay ugaaska beesha Dabare Ugaas Siidey X/Maxmed Nuur ayaa waxaa uu kaga hadley xaalada guud ee degmada diinsoor taasoo beryahan ay ka taagneyd qalalaaso u dhexeeya laba beelood.

UGaaska waxaa uu sheegay in dagaaladii halkaasi ka dhacay in dad badan lagu diley kuwii dilkaasi geysteyna qaarna lasoo qabtey qaarna aan weli lasoo qaban.

Dhanka kale UGaaska waxaa uu sheegay in shaqaaqadaasi ay degmada u keentey dhibaatooyin badan oo ay ugu horeyso maciishadii oo kor u kacdey kadib kolkii degmada la waayey dad maciisho keena.