Ciidamada Dowlada oo Qarax Lagula Beegsady Degmada Awdheegle

0
111

Qarax miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabellada Hoose, kasoo ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu kadhacay goob aay ku sugnaayeen ciidanka dowlada iyo dadka shacab ah, waxaana ku dhintay 1 qof halka 3 kalane aay ku dhaawacmeen.

Qaryada ka dhaca degmada awdheegle aya ainta badan ah qaraxyo lala beegsado ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugan taasoo sababta in inta badan ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay cidamada marayaan.

Ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugnaa ayaa gaaray goobta qaraxu uu kadhacay, waxaana soconaya baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxaas