Ciidamada Dowlada oo Alshabab Kala Wareegay Deegaano Hoostaga Degmada Diinsoor

0
88

Ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa howlgalo kasameeyay deegaano ka tirsan gobolka Baay, howlgaladan oo saacado qaatay ayaay ciidanku kula wareegeen deegaano hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo hoos taga gobolka Baay ayaay qabsadeen ciidanka Dowlada, waxaana halkaas kusugnaa dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab sida aay xaqiijiyeen sarkiisha hogaamineeysa ciidanka howlgalka fuliyay.

Saaraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan ujeedkiisu uu ahaa in laga hortago culeys la sheegay inaay Al-shabaab ay saareen degmada Diinsoor, waxaana dhawaan Al-shabaab aay dileen dad u kala safrayay Diinsoor iyo deegaanada u dhadhaw.

Degamada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa kamid ah deegaano ay go’doon galiyeen Al-shabaab, waxaana aad u adag isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Diinsoor iyo deegaanada kale.