Daawo Cabdi Casiis Laftagareen oo Warbixin Been ah Siiyey Beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

0
251

Hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo beryahan ku sugnaa magalada neyrobi ee dalka kenya ayaa warbixin aan waxba ka jirin siiyey beesha caalamka iyo weliba shacab somaliyeed oo xaflad ugu sameeyey magalada neyrobi habeenkii sabtida.

Cabdicasiis ayaa waxaa uu sheegay in mudadii sanad ahayd ee uu xilka maamulka koonfur galbeed hayey uu muhimada koowaad saarey 4 shay oo kala ah.

1- in uu Dib u Heshiisin kala dhex dhigey shacabka reer koonfur galbeed

2- Inuu ka shaqeeyey amniga shacabka koonfur galbeed.

3- in uu deeganada koonfur galbeed ka fuuliyey mashaariic isugu jirta kuwo waxbarssho iyo weliba kuwo caafimaad

4- in uu maamulka gaarsiiyey dhamaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed.

Aynu u ka qaadno hala hal anaga oo ku hormeri doona qodobka ugu horeeya ee dib u heshiisiinta.

Dib u Heshiisiin

sida aynu ka war heyno ma jirto wax dib u heshin ah oo uu cabdicasiis kala dhex dhigay beelaha reer konfur galbeed ee dega gobolada Bay, Bakool iyo weliba shabelaha hoose mar ayuu isku deyey in uu gogol fidiyo magalada baydhaba taas oo uu kala kaashanayey gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Maxamed Mursal taasina waxa ay ku dhamaatey fashil oo wax faaiido ah kama soo bixin ma aqaan hadii uu dib u heshin uu u arko kulanada uu la qaatey kooxda isbedel doonka oo ayagana danahooda gaarka ah un usoo shaqo tegey.

Amniga

Waxaa hubaal ah oo ay dhamaan shacabka koonfur galbeed ka marqaati kici karaan in deeganada koonfur galbeed aysan ka jirin wax nabad gelyo ah mana jirto degmo degmo kale si nabad ah loogu gudbi karo meel dheer iska daa degmada baydhabo iyo degmada buur hakaba si nabad ah jidkaasi ma jirto cid u mari kata.

Gobolka shabelaha hoose xaalkiisa iskaba daa oo maanta degmada afgooye iyo xamar ilaa iyo degmada walaweyn shaqsi mari kara ma jiro isaga oo aan baad laga qaadan marka ma fahmi karo nabad gelyada uu ka dhawaajiyey Cabdicasiis Lafta gareen ee uu sheegay in uu muhiimada labadaad siiyey si umada reer koonfir galbeed ay deegaanadooda si nabad ah ugu noolaadaan.

Waxaa maanta marag ma doonta ah in kuwii laga soo bara kiciyey gobolka shabelaha hose ay qaxooti ku yihiin xerooyinka magalada muqdisho, Kuwii laga soo barakiciyey gobolka bakoolna ay qaxooti ku yihiin xeroyinka qaxootiga ee laga furey gudaha magalada baydhaba kuwaasi oo kor u dhaafaya 34 xero.

Caafimaadka iyo Waxbaradshada

Cabdicasii waxaa kaloo uu afka ku dhuftey in deegaanada uu ka arimiyo uu ka fuliyey mashaariic waxbarasho iyo weliba kuwo caafimaad balse waxaa hubaal ah in arintaas ay tahay mid xaqiiqda ka fog sababtoo ah run ahaatii manta ma jirto wax la arki karo oo ku saabsan labadaas shey oo ka jirta deegaanada koonfur galbeed.

Gobolka shabelaha hoose shanta degmo ee xorta ka ah sida Degmooyinka Afgooye, Marka, Qoryooleey, Walaweyn kama jirto wax mashaariic caafimaad ah amaba waxbarasho oo halkaasi laga fuliyey xataa kuwo cusub iska dhaaf kuwii horey u jirey ayaan wax howl ah ka socon oo turubka lagu cayaarayaa.

Degmada Awdheeglana waxaa xor ka ah qeyb yar oo buundada agteeda ah buundada ka dib waxaa ku sugan cidahii horey ugu sugnaa oo weliba dhibaatada dadka ku haya sida aad la socotaan gudoomiyihii hore ee degmadaba waxaa uu ku dhintey weerar ay kooxahaasi ku soo qaadeen maamulka degmada.

Degmada baydhabo waxaa ka howl gala cisbitaal asagana dhibta ka taagay waa wax la wada ogyahay oo maalin walba ayey u qeyliyaan in daooyin iyo qalab caafimaad la siyo waxaa kaloo ka jira isbitaalo si gaar ah loo leeyahay oo private ah kuwaasina wax faaiido ah umada ay ka ay shacabka ka helaan ma jirto.

Gobolka bakoolna dhawan ayey ahayed kolkii gudoomiyaha gobolka uu qeylo dhaan dhan kasta isugu jirta uu usoo direy maamulka ha noqoto dhinaca waxbarasho, dhinaca caafimad iyo weliba xisii loo furi lahaa jidadka isku xera gobolka bakool degmooyinkiisa iyo weliba goblka bay.

In Maamulka la gaarsiiyo dhamaan deeganada koonfur galbeed

Waxaa suaal iga ah hadiibo degmo degmo kale dhulka looga gudbi karin siduu Cabdicasiis Laftagareen u sheegan karaa in maamulkiisa uu gaarsiiyey dhamaan degmooyinka gobolada Bay, Bakool iyo weliba shabelaha hoose.

Qudbaha quruxda badan ee loo aqrinayo shacabka waxaa haboon in lagu bedelo wax qabad sax ah waxaa nasiib daro ah in shacabka la marin habaabiyo been aan jirina loo sheego beesha caalamka si dhaqaale kale looga soo qaato.

Isku soo wada duub shacabka koonfur galbeed waa shacab la heystayaal ah oo aan la ogeyn waxa heysta, 4 sano oo Shariif Xasan ah iyo 1 sano oo Cabdicasiis Lafta gareen ah weli waxaa la marayaa cirka oo dhulka lama mari karo.

Maamulka koonfur galbeed weli ma tegin Degmada Buur Hakaba oo aan sidaas uga fogeyn Degmada Baydhaba welina ma tegin Degmada Afgooye oo xamar u jirta 25 kilo mitir inta uu sheegay in uu tegeyna waxaa qaaday diyaarad ay leedhay Amisom horumarna uma arko in diyaaradaha Amisom maanta dhan marba tuulo lagu talo isla markaana umada loo sheego in shacabka ay amni heleen.

Warbixinta Halkan Hoose Ka Daawo