Madaxda Dalalka Somaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo Shir Uga Furmay Magalada Asmara

0
79

Magaalada Asmara waxaa shir saddex Geesood ah uga soconaya madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea iyadoo gallinkii hore ee maanta uu halkaai gaaray madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk ayaa iyaguna qeyb ka ah kulanka oo looga arinsanayo guud ahaan xaalada dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Madaxda ayaa sidoo kale isla qiimeyn doona miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafa.