Dalka Ugandha oo Ciidamo Dheeri Ah Usoo Direy dalka Somaliya

0
63

Wargeys ka mid ah wargeysyada kasoo baxay dalka ugandha oo lagu magacaabo Daily Monitor ayaa qoray in Ciiddanka cusub oo hoos tagta Kooxda 20 ee Ciiddanka dagaalama ee Uganda (Uganda Battle Group 20) waxay hubin doonaan Ammaanka muddada ay socdaan Doorashadda Madaxtinimadda oo 3 jeer dib loo dhigay sannadkan.

Hadal qoraal oo Taliska Ciiddanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) soo saareen Isniintii la soo dhaafay waxay ku sheegeen in Duullimaadkii ugu horreeyey ee waday 80 ka tirsan Ciiddanka Cusub si nabad ah ku soo gaareen Muqdisho.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 oo ay leedahay Shirkadda Ocean Airlines Company ka soo degatay Garoonka Diyaaradaha Adan Abdulle International Airport ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Guutadda cusub ee Ciiddanka Uganda ee Group 20 waxay bedeli doonaan Kooxda Group 17 oo iyaga laga daadgureynayo Somalai, kadib, markii ay muddo 12-bilood qeyb ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM.