JACEELKII ASAD IYO BOQORADA (Qeybta 1-aad)

0
165

waxey aheyd maalin Khamiis ah xiliguna wuxuu ahaa xili jiilaaleed sanadku wuxuu ahaa 2011 magaaladu waxeey aheyd degmada Manaas ee ka tirsan Gobolka Baay, Manaas waxey magaalada Baydhabo ka xigtaa dhinaca Koonfureed masaafo 30 KM ah.

Odayaasha reer Manaas waxey isu diyaarinaayeen subaxaas ineey la kulmaan wafdi reer yurub ah oo kasocday hey`ad mucaawino ah, balantu waxeey aheyd in loo qodo Ceel maadaamo eey dhib weeyn u qabeen dhanka Biyaha, xili Barqo ah ayeey wafdigii lasugaayey yimaadeen goobti lagu balansanaa ee aheyd Guriga Sheekh Ibraahim axmed oo kamid ahaa ganacsatada magaaladaas ugu caansan dhanka dhaqaalahana ka dhisnaa, wafdigii ayaa la marti sooray. marti soorki kadib waxaa la guda galay in la furo hadalkii iyo ujeedka imaatankooda wuxuu yahay.

waxey wafdigu ka koobnaayeen sadex qof nin iyo naag ka socday wadanka Ingriiska iyo nin kale oo kasocday wadanka Jarmalka, waxaa la socday laba nin oo Soomali ah mid wuxuu ahaa Turjumaan midna wuxuu ka tirsanaa madaxda Hey`ada, ninkii Soomaaliga ahaa ayaa hadalkii furay wuxuu uga sharaxay Hey`ada iyo waxyaabaha eey qabato iyo socodkooda hada ujeedkiisa, waxey wafdigii u sheegeen in eey hada rabaan in eey Ceel u qodaan marka waxeey yiraahden iney soo dirsanaayaan injineer baara meesha biyaha fiican leh ee ceelka laga qodaayo, hadaba intii eey dadka cadaanka ah hadlaayeen turjumaanka wuxuu u fasiraayey si wanaagsan.

Markii eey hadalkooda dhameesteen ayaa waxey yiraahdeen wafdigii reer yurub waxey odayadii weydiiyeen qofkii su`aal qaba ineey weydiin karaan, laba kamid ah odayadii ayaa wafdigii weeydiiyey suaalo ku saabsanaa dhulka laga qodi doono Ceelka in ey gadi doonaan maadaama dhulka la kala leeyahay hadii eey dhul qof leeyahay Ceel ka qodaan in ninkii dhulka lahaa dhihi karo Ceelka anigaa leh maadaama uu dhulkiisa ka qodanyahay, iyo mida labaad ee ah maamulka ceelka, hadaba ninkii Turjumaanka ahaa waxaa ku adkaatay luqadii Odayada eey ku hadlaayeen markii wafdigii si kale oo kaduwan su`aalihii odayada ayuu ku fasiray, jawaabti wafdiga eey bixiyeena wuxuu ku soo koobay sidii hadalku ku wanaagsanaan lahaa wuxuu yiri wax waliba Hey`ada ayaa dhameeyneeysa sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa Ceelka leydiinku qodi doonaa.

Hadaba waxaa dadka kulanka joogay kamid ahaa nin layiraahdo Asad Cabdulaahi isaga ayaa gacanta taagay codsadayna inuu hadlo ogolaanshihii hadalka kadib, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

lasoco qeybta 2-aad maalinta talaadada ah insha allah

Qore. iithow