Maamul Goboleedka Galmudug oo Sheegey In Dagaalkii Shaley Ay Ku Jireen Ciidamo Ka Socda Jubaland

0
31

Maamul goboleedka Galmudug ayaa Faah-faahin ka bixisay Dagaalkii dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Maamulka Puntland.

Afhayeenka Gobolka Mudug ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed Xasan Faarax ayaa sheegay in Dagaalkii Shalay ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland looga dilay 14 Askari islamarkaana looga Gubay Labo Gaari oo nuuca Dagaalka ah.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Galmudug ay Gacanta ku hayaan Maxaabiis laga qabtay Puntland oo Tiradooda aysan Cayimin,marka laga reebo Saddex kamid ah oo Afhayeenku sheegay inuu arkay,balse ay jiraan Maxaabiis kale.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Dagaalka Shalay ay ku jireen Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Dowlad Deegaanka Somalida Ethopia.