Alshabab oo Maanta Weerar Ku Qaadey Saldhig Amisom ay Ku Leedahay Magalada Beledweyne

0
26

Weerar ayaad u weyn ayaa maanta lagu qaadey saldhiga ay ciidamada amisom ku leeyihiin magalada baladweyne ee gobolka hiiraan.

Goob jooge ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegey in gaari UD ah oo dusha sare laga soo saaray ”Bal” [Cowska ay cunaan Xoolaha] lagu weeraray saldhiga, iyadoo wixii intaa ka danbeeyayna la maqlayay rasaas culus.

Wuxuu intaas ku daray in markiiba loo soo sheegay dhimashada gabar ay qaraabo ahaayeen oo madaxa ay uga dhaceen biro ka soo firxaday qaraxa gaariga.

Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la dhigay dhaawacyadaqaar ka mid ah dadkii wax ku noqday qaraxa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax ah oo ka soo baxay laamaha ammniga dowladd iyo AMISOM intaba waxaana muuqanaya wali in ay socdaan baaritaanno la xiriira sidda uu weerarku u dhacay.