Ya ka masul ah Musiibadaan dhamaaadka lahayn ee ku habsatay Dalkeena

0
63

Dhibka umada Somaalida heeysata wuxu soo maray marxalado kala gidisan. Ruunti umaada Somaliyeed oo dhan ma dul saari karno sababta keentay dhibatada iyo dagaalkan aan dhamaaneynin.

Laakin xaqiiqa jirta waaye in eey ka danbeeyaan musiibadaan dagaal oogyaal, danayste, calooshood u shaqeesteyall iyo siyaasiyiin ku sheeg oo nugu dhax jira iyo qaar badan oo caadifa qabiil qaatay oo aan dantooda iyo ti dalkaba aan aqoon.

Sedeybe ku bilaawatay musiiabadaan qaran oo dal dhan lugu dumiyay lagana dhigay “ FAILED STATE”.

Dowladii meleteriga ee Somaliya aya dagaal waxey la gashay Itoopia sanadki 1977, runti weyna ka awood roonaatay oo wey ka adkaatay dowladi Itoopia oo waqtiga jirtay. Arintaan waxey ka yaabisi dowlado badan eey ku jiraan dowladaha reer galbeedka iyo wiliba Itixaadki Soviyadka ee waqitiga jiray ee dowlada Ruushka horsed u eheet.. Waxey kuligood isla arkeen qatarta ey leedahay hadaan laga hortagiin guushan oo militariga Somaaliya ku talaabsaday, waxaane laga baqay in ey Somaliida si wadaan dagaalkaan guusha ey gaareena ku dhirigiliso riyadoodi eheed in la madeyo shanta Soomaaliya.

Dawladaha reer Galbeedka oo kaashanaayo Itoopia ayaa ku hashiiyay si loo joojiyo khadarta ka imaan karto guushan ey gaareem ciidanka xooga dalka Somaalia. Madaama oo leeska ogaay dhacfiga Somaalida in uu yahay qabyaalad iyo qabiileeysi wehliya musuq maasiq, waxa lees tusaleeyay in ey sahlan tahay in Soomaalida laysugu diro qabiil qabiil.

Waxaa lagu hashiiyay in deg deg ah loo hubeeyo qabiilo qaar si loo bilaabo burburintii dowladii Maxamed Siyaad Bare. Waxa la raadiyay beesha ugu xukunka jecel, oo xukun dartiisna ujeedo kasta u fulineysa.

Waxa lees weydiyay qabilkaas in laga bilaabo oo la jabhadeeyo si loo afgambiyo dowladii Soomaaliyeed ee markaas jirtay. Maxey idiinla tahay kuwa imaanka ka tagay oo xukun jaceel dartiisa qaran dhan u duminaayo oo loo doortay hooshaan.

Markiba masawirka waxa kusoo baxay beelaha iyo qabiilada dega bariga iyo bartamaha Somaaliya oo la ogaaday in si sahlan loo adeegsan karo waxaane laga baxsadey midkood oo maerkiba la abuuray jabhad beeleedki uga horaysey ee hub qaadato si eey xukunka u qabsato.

Arintaan waxa loo xilsaaray Amxaarada waxaane meeshaas ka bilaawday dumiiski qaranka iyo dhibaatadi umada. Waxey labaxeen: SSDF – Somaalida Soortu Qaaday kuna can baxay – REER QARAN DUMIS!!! Markii arintaas la hirgiliyay, misane waxey wax wayn ka bedeli weyday awoodii dowladi militiriga, waana laga adkaaday SSDF iyo Amxaaradi la socotay.

Waxa lagu qasbay inay is dhibaan ilaa hogaamiyahoodii u cararay Itoobiya. SSDF iyo qabiilada ey matalaan waxey tariikhda Somaaliya ku galeen: ‘Qoladi ugu horeysay ee calanka Amxaarada dalka Soomaaliya dhexdiisa ka taagta xukun jeceel dartiis’.

Mariki ujeedadi dumiska qaranka Somaliyeed ey ku filnaaweysi SSDF iyo qabiilada ey matasho ayaa Amaxaarada waxay ujeesteen dhanka waqooyi.
Waxa laga dhaadhaciyay beelaaha daga waqooyi inay gumaysi ku jiraan iyo inay Soomaaliya oo dhan ey hal beel oo keliya awoodeeda ku takrifalayso, hantideedane dhunsato.

Halkaas ayaa lugu aasaasey jabhadii labaad loona bixiyay SNM – Soomaalida Midnimada Diidsan. Beelaaha waqooyi Somaaliya daga waxey ku midoobeen inay dagaal ka dhan ah dowlada dhexe galaan halkaasne waxa si zaa’iday burburkii qaranka eey bilaawan beelaha SSDF.

Intaas kuma harin Amxaarada si ey u dhameestiraan burburinta Soomaaliya iyo jiritaanka qarankoda, waxaane la bilaabay in gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya laga dhiso jabahadi sadaxaad lane magac baxday USC – REER QARAN DIID.

Dad badan waxey aminsan yahiin in burburka qaranka Somaliyeed iyo dowladi dheexe ey masuul ka yahiin beelaha USC ku abtirsada. Sidaasey dowladi dhexe ee ka jirtay Somaaliya u burburtay oo xukunka loogu tuuray.

Jaabhadaha waxey filaayeen in xukunka dalka uu gacantooda soo geli doono. Marki dowladnimada Somaaliyeed ey meesha ka baxday ayay wax leesku diray qabiladii iyo jabahadihii beelaha ku dhisnaa si loo hubsado in la wada gubo oo dabka la wada qabtsiiyo dalka oo dhan waxaane la bilaabay in la adeegsado DIINTA ISLAAMKA si wax loo dhaco oo loo boobo. Waxa leesku diri, damac dartiisa ey ka dhax tafatay qabiiladi jabhadeeyay: Somalida waxey ku mahmaahda : “ HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO”. Sida:
· Daarood vs Issaq
· Daarood vs Hawiye
· Abgaal vs Habar Gidir
· Habar gidir vs Murursade
· Habar gidir vs Xawaadle
· Habar gidir vs Raxanweyn
· Habargidir vs Biyaamaal

Sheekada inkasto ey socotay mudo ka badan sodon iyo shan sano (35) hadane weli kow ma joogto, ti ugu danbeeysine hada waxey ka socota Galkacyo. Waxa kaloo la dhaha: ‘Nabsigaad gasha wa dambe kugu gaduuta, waxaad geeystay oo ka guda’a goor iyo ayaan”

Hal suaalne weli jabaabtiisa mahaayo:

Maxaa u diiday in ey nabad ku wad nooladaan; wanaag iyo wada hadal eey khalafakoodo ku wada dhameestaan. Ya ii sheegi karo ??
Burfuule Gaabow

Mr.Burfuule@yahoo.co.uk