Dowlada Federaalka oo Ahlusuna Ugu Baaqdey Iney La Shaqeyso Maamulka Galmudug

0
43

OdiwaaWasiirka Arrimaha Gudaha dowlada federaalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo shalay gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay Ahlusunna Waljamaaca inay nabadda qaataan, oo ay yimaadaan miiska wada-hadalka.

C/raxmaan Odawaa ayaa ka codsaday madaxweynaha maamulka Galmudug inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana Ahlusunada ee Dhuusa-mareeb in uu wadahadal la galo, si khilaafka jira loo dhameeyo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay inay Dhamaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isagoo ugu baaqay Ahlusunna Waljamaaca wax kasta oo ay tabanayaan ku raadiyaan wadahadal.

Ugu dambeyn, wadahadalo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusunna ayaa lagu wadaa inay dhawaan kabillowdaan gobolka Galgaduud, inkastoo wadahadallo hore ay dhexmareen dhinacyadan.