54 Xildhibaan oo Maanta Mooshin Ka Keeney Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0
38

xildhibaanXildhibaano tiradoodu kor u dhaaftey 54  Xildhibaan ayaa saxiixday Mooshin cusub oo ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanadan, ayaa waxay Mooshinkan gacanta ka saareen Guddoonka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ku tuntay Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqay in 54 ka mid ah Xildhibaanada ay soo gaarsiisay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha.

Gudoomiyaha, ayaa ku cadeeyay in Mooshinkan uu yahay mid sax ah, bacdamaa sida uu sheegay ay saxiixday 54 ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya.

Prof. Jawaari, ayaa iclaamiyay in maalmaha soo socdo ay Mooshinkaasi horkeeni doonaan Xildhibaanada, si ay kaga doodaan, eedeymaha ku xusan ee loo soo jeediyay Hogaamiyaha Wadanka.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka soo diyaarisay Madaxweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu amray in la baaro Xildhibaanada, taasoo ah buu yiri mid xasaanadda looga qaadaayo Xildhibaanada.