Ururka Somali Siman oo Xaflad aad U Balaaran KU Qantey Magalada Ohio Columbus Maalintii Sabtida

0
32

kusowBoqolaal Soomaalida Ohio, Columbus ah ayaa kasoo qayb-galay kulan looga hadlayay sidii loo heli lahaa Soomaali Siman, taasoo Macnaheedu yahay in dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo jiritaan Umad mid ah oo aan kala sarayn.

Waxaa kulankan soo abaabulay Ururka Soomaali Siman oo ah urur ay dhidbeen ama aas aaseen aqoonyahano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha Caalamka, kuwaas oo u istaagay sidii loo heli lahaa waxgard iyo bulsho u istaagta in dadka Soomaaliyeed laga saaro ama laga wacyigaliyo in aysan jirin dad kala sareeya ama kala fiican.

Waxaa ka hadlay Marti-sharaf ka kala timid gobollada Maraykanka iyo Canada kuwaasoo inta badan hadalladooda diirada ku saarayay sida Soomaaliya ay ku jirto dulmi ku qotoma kala sareyn aan sal iyo raad ku lahayn Umadda Soomaaliyeed qeyb ka mid ah, kuwaas oo loo arko in ay ka hooseeyaan kuwo kale.

Prof: Abdi Kusow oo ka yimid gobolka Iowa ee dalkan Maraykanka kana mid ahaa aas aasayaashii ururka Somali Siman ayaa waxa uu xafladan ka soo jeediyay hadalo aad u kiciyay ka soo qeybgalayaasha isaga oo soo bandhigay sababaha keenay in somalida la kala sareeysiiyo iyo in aysan jirin Koox koox ka saraysa oo jirta kaliya mida lagu kala sareynkaraa waa aqoonta iyo dadnimada ayuu yiri.

Dr. Rasheed Farah oo isna ka yimi Gobolka Atlanta Georgia ayaa yiri ” kala sareyntu mahan wax run ah ee waa wax shisheeye abuuray inaguna aan run moodnay ee waa in aan ku baraarugnaa in 4.5 aysan ahayn xal iyo muuqaal ka tarjumaya Soomaalinimo” Waxa uu intaa raaciyay Rasheed in Dadkii wax galka ahaa ay yihiin kuwa la leeyahay waxaa tihiin Bar taasina ay cawaaqib xumo ku tahay soo noqoshada Soomaali fiyoow.

Somali Siman waa kulankii labaad oo ay qabtaan waxana kan kii ka horeeyay lagu qabtay dalka Canada iyada oo gobolo kale lagu qaban doono kulamadan oo kale kadibna dalkii dib loogu celin doono si wacyi galin looga sameeyo.

kusow1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

kusow