Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa aroornimadii saaka ku geeryoodey magaalada Jigjiga ee xarunta DDS Itoobiya.
Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa lagu soo booday xalay 1:30 habeennimo, isagoo aan wax xanuun ah qabin, waxaana la dhigay isbtaalka Jigjiga halkaasoo oo uu ku geeryoodey. Wuxuuna ahaa suxufi ruug-caddaa ah oo saxaafadda si aad ah u yaqaannay.
Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka uga tagay lix carruur ah, kuwaasoo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiyo Cabdullaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay isla shaqeyn jireen muddo aad u fog, saddexda kalena waxaa u dhalay haween kale.
Dhanka kale, marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Kala-bayr oo ah deegaan ku dhow Tog-wajaale oo uu ku dhashay, deegaankaasoo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah Waaliddiintii.