Faalo…Wax qabadkii Maamuulka Sakiin sanadkii tagay.

0
36

casMaanta oo kale sanadkii tagay 2014 ayay ahayd markii uu maamulka Shacabka KoonfurGalbeed uu boobay Shariif Sakiin oo kaashanaya madaxtooyada Soomaaliya iyo Milatariga dowlada Itoobiya oo iyagu isu bahaystay dhismaha maamul uu hogaan ka noqdo ruux leh shakhsiyad daciif ah oo aan Aqoon iyo Haybad maamul toona lahayn si ay ugu adeegtaan una caburiyaan ra’yiga iyo awooda shacabka KoonfurGalbeed.
Soo banbixii maamulkan Boobka ku dhisan ee uu horkacayay kaligii taliye Shariif Sakiin ayaa waxaa laga dheehan karey fikradihii gumaystaha oo ay ugu horeyso mid ahaan qaybi oo xukun.

Hadaba sanad ka dib maalintii uu Boobay Shariif Sakiin majaraha maamulka KoonfurGalbeed muxuu qabtay shacabka KoonfurGalbeed ee uu maamulkoodu boobay?
Ma filaayo inuu jiro wax qabad mudadii sanadka ahayd ee uu jiray maamulka Sakiin haba yaraatee balse waxaa xaqiiqa ah in mudadii sanadka ahayd uu ku fashilmay guud ahaan waxa ay dadka qaar(Xildoon iyo Xariif) ka rumaysteen.
Inkasta oo guud ahaan uu ku fashilmay Shariif Sakiin wixii ay ka sugayeen ugu yaraan qaar ka mid ah Shacabka KoonfurGalbeed ayaa waxaan hadana si gaar ah u soo qaadan karnaa tiirarka ugu muhimsan ee haykalka maamul ummaddeed.

*Siyaasada

Guud ahaan Shacabka KoonfurGalbeed ayaa waxay ka wada dheregsan yihiin in maamulka Shariif Sakiin ee magaalada Baydhabo uu ku fashilmay inuu la yimaado hogaamin siyaasadeed oo dhab ah laguna maareeyo danaha Shacabka KoonfurGalbeed taa bedelkeedana waxa uu Shariif door biday in laga hago Villa Soomaaliya,Halka Villa Soomaaliyana laga hago halka aan wada naqaano,Taasina waxay ka dhigan tahay inuu Shariif ku guulaystay wixii markii horeba ay u dhiseen qaybaha aan kor ku soo sheegay.

*Amniga

Guud ahaan wax Amni ah kama jiro Sedexda gobol ee Shariif Sakiin ku soo koobay dhul weynaha Digil iyo Mirifle,Mudadii sanadka ahaydna horumar laga sameeyo dhanka Amniga daayoo waxaa dib ay Shabaab u qabsatay dhulkii horey looga xoreeyay sida Awdheegle,Kurtunwaareey iyo meelo kale iyadoo sidoo kalena degmooyinka gobolka Bakool aan midna mid u gudbi karin oo ay go’doon ugu wada jiraan Shabaab halka Magaalada Baydhabo oo haatan Caasimad u ah Shariifna Diyaarad ma ahee aan wado dhuleed looga imaan karin Afarteeda jaho sidaa si la mid ahna Dilka uu yahay mid maalinwalba ka dhaca sedexdan gobol iyadoo welibana dilalka ay Shabaab geystaan uu aad uga badan yahay kuwa ay geystaan Ciidamada Villa Soomaaliya iyo dilalaka qorshaysan ee Shariif fuliyo.
Run ahaantii Amni darada maanta ka jirta KoonfurGalbeed sedex gobol ayaa waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay tan ugu xun ee ka jirta guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

*Dhaqaalaha

Musuq-maasuq baahay oo ka jira xarunta Seerjitada ee gudaha garoonka Shaati Gaduud oo haatan Itoobiyaanku ay ku ilaaliyaan Shariif iyo Maacuuntiisa ayaa waxay horseeday in shaki uu soo kala dhex galo deeq bixiyayaasha iyo maamulka Sakiin taasina ugu danbayn waxay horseeday in deeq bixiyayaashu ay diidaan inay taakuleeyaan maamulka Sakiin,Maamulka Sakiin oo ka jawaabaya dhaqaala xumida soo wajahdayna waxa uu Suuqa Bakaaraha u beec geeyay dhulka koonfurGalbeed si uu uga helo dhaqaale uu boobo.
Maciishada guud ahaan magaalooyinka iyo deegaanada Sedexdan gobol ayaa waxay tahay mid aad u sareysa maadaama dhulku uu u kala xiran yahay Maleeshiyada Villa Soomaaliya,Kuwa Shabaan iyo Dooxatadiisa oo intuba qaata lacagaha baada ah ee loo yaqaano Leejada.

*Arimaha bulshada

Haba yaraatee ma jiro adeeg uu bixiyo maamulka Shariif Adeegyada kaliya ee ka jiro deegaanaduna waa kuwo ay bixiyaan Hay’adaha samafalka,Wadamada daneeya gobolka iyo Dad muxsiniin ah oo goboladan kasoo jeedo.
Barakaca mudadii sanadka ahayd ee uu jiray maamulka Sakiin ayaa waxa uu gaaray 100% iyadoo taasina keentay in Barakacayaashii hore lagu ilaawo magaalooyin ay Muqdisho ka mid tahay.
Waxa uu sidoo kalena maamulka Sakiin haatan ka wadaa magaalada Baydhabo Barakicin Shacabka ku nool magaalada isagoo fulinaaya awaamiir looga soo dhiibay Villa Soomaaliya.

*Baahinta Maamulka

Iyadoo guud ahaan uu maamulka Sakiin ku wada fashilmay balanqaadyadiisii Dhaan-dabagaalaha ahaa ayaa waxaa hadana fashilkaasi si cad looga dhex arki karaa maamulkiisa oo ka bilowdo isaga oo Madaxweyne ah kuna dhamaado isaga oo howlwadeen ah halka garbihiisuna ay buuxiyaan Qaraabadiisa soke.
Maamul xumida iyo Musuqa Sakiin mudadii sanadka ahayd ee uu jirey ayaa waxay horseeday in dhaqaale lagu maareeyo arimaha maamulkiisa uu u waayo si uu u daboolo baahidaasina waxa uu Sakiin bilaabay inuu suuq geeyo Dekerootooyin uu ku beecinaayo xilalka ummadda oo runtii loo baahnaa in ummadda wax loogu qabto.

Isku soo wada duub Sanad jirsiga Shariif waxa uu ummadda KoonfurGalbeed kaga dhigan yahay sanad soo maray hayeeshee ka lumay!