Guuxa dadweynaha..Shacabka KoonfurGalbeed oo fahmay Indho sarcaadka Shariif

2
120

damiWaxaa maanta marag madoonta ah in guud ahaan Shacabka KoonfurGalbeed ay u wada cadaatay in maamulka Shariif Sakiin iyo Maacuuntiisa ay ku fashilmeen sheegashadoodii ahayd in ummadda KoonfurGalbeed ay maamul qaada mas’uuliyada Dadkooda iyo Dalkooda u dhisi doonaan isla markaana ay ka saari doonaan dhibaatooyinkii ka jiray dhinacyada Siyaasada,Dhaqaalaha,Amniga,Arimaha Bulshada iyadoo sidoo kalena ay dhowr jeer afka ka sheegeen in ay ixtiraami doonaan Saxaafada,Bulshada Rayidka iyo Mucaaradka intuba.

Hadaba ku dhowaad Sanad Maamulka Shariif iyo Maacuuntiisa maxay ka qabteen balamadii ay ummadda u qaadeen?

Jawaabtu waa waxba oo Siyaasadii iskaba daa in loo unko(la dhiso) wado siyaasadeed oo ummaddan lagu hogaamiyo mustaqbalkeedana lagu hago ee waxay ilaa iyo maanta ay kala garan la’yihiin qaabka loo dhiso hay’ado haga siyaasada ummadda tiiyoo tahay ayaa hadana Musuqmaasuq baahay iyo dhac bareer ah waxay ku hayaan dhaqaalihii samafal ahaanta ku soo gaaray iyo Canshuurta yar ee degmada Afgooye sida baada ah dadkeeda looga qaado halka Amniguna guud ahaan shacabka KoonfurGalbeed uu ku nool yahay cabsi baahsan iyo dardaaran maameed iyadoo sidoo kalena ciidan loo dhiso daayoo kuwii hore u jiray oo la dayacay waxaa iyana intaa dheer guud ahaan dhibta xad dhaafka ah ee ay bulshadu ku dhex nooshahay oo ay ugu horeeyaan Isbaaro,Shaqo la’aan,Biyo la’aan,Caafimaad xumo,Waxbarasho la’aan,Nolol xumo iyo Daryeel la’aan Hooyada iyo Dhalaanka oo baahsan oo weliba heer laga argagaxo gaarsiisan.

Saxaafada,Bulshada Rayidka iyo Mucaarad warkoodaba daa’ oo dhamaan waxay u qaxeen kuna nool yihiin Muqdisho oo ay maciin bideen.

Waakan guuxa oo dul istaagay aragtida Shacabka KoonfurGalbeed isagoo maray goobo kala gedisan lana hadlay shaqsiyaad Mucaarad iyo Muxaafad intuba leh.

Waa maqaayad magac iyo muunaba ku leh Baydhabo waxa fadhiyana u badan dad leh xirfado kala gedisan iyo weliba wax garad xog ogaal u ah waxa dhacaya una soo joogay wax badan.

Guuxooduna sidan ayaa laga maqli karey…….

Waa nin dhalinyara ah qabana labis indho soo jiidasho leh malahaygu waa qurba joog Baydhabo usoo shaqo doontay”Ma filayn in xaalka gudaha uu sidan yahay aaway Dowladii deegaanka loo dhisay ee Shariif uu madaxa ka ahaa?Waxaan doon doonay inaan la kulmo ruux uun sheegta inuu maamulka qayb ka yahay waana ka waayay magaalada ee siday wax u jiraan ayuu markale soo tuuray isagoo weli yaaban jawaab doona ah.

Wiil dhalin yaro ahaa oo adeege ka ahaa maqaayada ayaa durba soo gaaray xagiisa oo ku yiri”May Waraabase”Isagii oo yaabka yaab u raacaa yiri”Wal-lee Sheen”Wiilkii oo yaaban ayaa yiri”Shariif Sakiin kiin-sheenee”Intuu yara aamusay ayuu ku yiri”May la-eree?’Wiilkii ayaa durbaba gartay inuu ruuxan uu magaalada ku cusub yahay kuna yiri isaga oo u fasiraaya “Aleen Biyo rinji lunku weele magaashayna la eraaw Shaahi…Sidii Dowladii Shariif oo kaluwa maga-maa walkale in reed dareerne”Intuu qosol la dhacay ayuu yiri”Kala bariday kala war la’ ”
Waxaa qosolkiisii ku soo baxay una soo dhowaaday nin dhalin yaro ahaa balse duruuf baagamuundo-nimo laga dareemayo markaasuu ku yiri ninkii qurbajoogta ahaa Dalbooy hoo adi Asariya feyle fadaaso”Gabre ii Geeseey”May eyaan dad magaashoo ma ahaa?Haa ayuu jawaab ugu dhigay.

Intuu yaabuu ku yiri ‘Walaalkiyoow beledkan may ku jare”Wiilkii dhalin yarada ahaa inta uu geesaha fiirshay ayuu ku yiri “Adi ay eta”Ay eta oo se-ee?ayuu qurba joogii oo yaaban ku yiri ninkii dhalinyarada ahaa ninkii dhalin yarada ahaa markale yiri war Ay eta hoo adi fadaaso in ani kiin dowaho?qurba joogaa yiri Reewing intuu qosol dheer ku dhuftay ayuu yiri ninkii dhalin yarada ahaa “Amee inki danboyty lan Reewinga aha eraaw….Arow dareemanaaw….Kiin digeey dareenkaa qob…Beledka Janaay me-ee dadkana Reewing me-ee!!!! Walna makiinsheegne iyaa Isgoowkee.”

Tiro dhalin yaro ah oo u muuqday Baagamuundo fadhiyayna derbi guri dayacaad weyn ka muuqatay oo soo ag-maraan ku leexday waxaa socotay sheeko ay aad ugu mashquulsanaayeen dhalinta oo weliba si hal haleel leh ay u wadaagayeen

Mid ka mid ah oo hadalka wataa yiri”Muxuu inoo dhalay maamulka Sakiin ma waxaanan ahayn Indho iyo Dhego la’aan….hadana war laqabo xiiso ma lehee….Ma ogtihiin in Shariif walaalkiis lacagta loo soo diiday ay ku coloobeen isaga iyo walaalkiis ….Midkalaa qaatoo yiri Maxaa looga danlahaa talow in lacagtaas loo diido dadkii kaleba waa lasiiyee? War ma ogid dadkii lacagta bixinaayay ayaa loo fasirey magaca Shariif Sakiin markaasay Anaga noo cabsadeen in uu naga dhoco lacagta ayuu mid kale oo careysan yiri.

Gabar dhankeeda u muuqatay inay qaata ka taagan tahay wiilashan baagamuundada ah ee maalin walba horfadhiya gurigeeda hortiisay ayay ku tiri wiilashii”Maalinkasta meeshaan war iyo muran aan meeshaan dhaafaynaad ku haysaan oo hadaad kaalintiina gudan lahaydeen maanta ma calaacasheene leerta i siiya”

Waxaa telefoon kula hadlay Wasiir…….oo ka mid ah wasiirada ugu tunka weyn kuwa KoonfurGalbeed Waxaan weydiiyay waxa hortaagan dhismaha Baarlamaanka KoonfurGalbeed?

Runtii waxaan ka sugaayay inuu ii sheego jawaab macquul ah oo ay ummaddu ku qanci karo balse waxaa uu iigu jawaabay Shariif aa hortaagan!

Dib ayaan ugu celiyay Shariif ayaa hor taagan maa i tiri? Haa ayuu Jawaabta iigaga dhigay oo sidee ayuu u hortaagan yahay ayaan ku iri mar labaad markaas ayaa isagoo qoslaayo igu yiri “Sow ma ogid in hadii Baarlamaan la dhiso howsha ugu horeysa oo ay IGAD doonayso inay qabtaan Xildhibaanadu ay tahay in ay qabtaan Doorasho xalaal ah oo halkan ka dhacdo oo madaxweyne Baarlamaan doortay uu halkaan kasoo baxo kadibna Dowladii uu dhiso hadana la horgeyndoono labada gole guurtada iyo Baarlamaanka?Sidaasi si lamid ahna Itoobiyaanku ma ogola Shariif marka xaalku waa ku xunyahay Shariif Allow sahal Amuuraha”

Waxaan si gaar ah ula kulmay Oday Aqoon-yahan ah oo welibana waaya aragnimo u dheer tahay waxaan weydiiyay waxa ka socda magaalada…Wuxuu iigu jawaabay isagoo soo koobaya”Hindhosara’aad”Maxaad ka wadaa ayaan ku iri”May kale”Ayuu hadana jawaab iiga dhigay,,,Waan sii raacay oo saanta ayaan la sii qaaday mar labaad ayaan ku iri maxaa ka socda magaalada?Wuxuu iigu jawaabay “Hindhosara’aat”oo yaa la indho sarcaadinayaa ayaan dib u weydiiyay”Ma oshi”ayuu jawaab iigaga dhigay waxaan dib u weydiiyay “Oo Ma- oshi sidee ah”Ani kiin sheegee si fayle in dhugunso ayuu igu yiri Anigoo rajo beel ahaa ayuu ii soo nooleeyay rajada markaas ayaa neef hor leh inta iga soo fuqdaan ku iri Haye HEE!

Waxa magaalada ka socda waa Hindho sara’aat oo xubnaha maamulka Shariif dhamaantooda naftooday been u sheegayaan oo iyagaa is Hindho sara’aadinaaya kow dheh,Malaaqyada waa kasii xageeyaan oo dadka ay Malaaqyada iyo Salaadiinta u yihiin ayay been aan jirin maalin walba u sheegaan iyagoo og runta waa is Hindho sara’aadis kale ugu danbayna nin xarunta seerjitada aan soo dhaafayn ayaa naleh Madaxweyne ayaan ahay oo inta uu naftiisa rumaystay Hindho sara’aadkiisa ayuu anaga nala soo doontay marka waa wada Hindho sara’aat.

Kol hadii guud ahaan shacabka KoonfurGalbeed ay wada dareemeen isla markaana ogaadeen oo ay xaqiiqsadeen in Hindho sara’aat ma ahee aanu Shariif wax xaqiiqa ku dhisan aanu hayn sow ma ahan inay shacabku dhahaan Shariif Sakiinoow BAX oo BAX naga tag?

Qalinkii:Abdiaziz ShSalah

2 COMMENTS

  1. adiga qof weli hurdo ayaa tahay ee marka hore jeefka ka soo toos marka aad shacabka wax aad u sheegeyso wax way qaldami karaan laakiin waxa aad sheegeyso oo dhan waxay u egtahay qof hurda aan weli aan soo toosi marka hore adiga tos ee markaasi shacabka wax usheeg adiga arinta meel fiican ayey mareysaa shacabka reer koofur galbeet niyadiin kheyr u sheega ee waxan aad arkeysaan oo la qoraayo waa dad aan fahamsaneen sida wax u socdaan ee iska daayo qof jeef oo riyada dhexdeeda wax ka sheegaayo xaqiiqda idinkaa joogtaan waxii idinka khaldan iska saxa ee taageera madax diina si hadhow coleyska nasaaran nooga dego inta aan isku daba meereysaneyno culeyskaan sidaan ayuu noo saar naanayaa ee dawlada hal dhiso taageera dadka la sheegaayo iyagabaaba iska tagayaan way quusan doonaan ee idnka dhaxda isqabsada dhista dawladiina madaxweeynihiina taageera kani wax dhaamo hada jiro ma arkooyo aniga yaan la idn wareerin

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Qof waliba wuxuu beerto ayuu goostaa,Digilmirifle ma beerin geed wax tar leh oo harsi iyo miro manfac leh sidaasi darteed masugaayaan hadda in manaafacaad ka helaan maamul ku sheega ka dhisan Baydhaba ee wax ha u qabteen qurbq joogta iyo ganacsatada dalkooda iyo dadkooda ku dandareysan koonfurta Somaliya

Comments are closed.