Xog muhim ah:Kulankii Mudulood,Shariif Sakiin iyo Maacuuntiisa oo fashil ku dhamaaday.

0
37

geerWarar aynu ka kala helayno magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in wafdigii Beesha Mudulood ee uu horkacayay Cali Maxamed Geedi ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho maanta ka dib kolkii kulan uu soo abaabulay Shariif Xasan ay maalin nimadii shalay kula yeesheen xubno isugu jiray maamulka Shariif iyo Ogayaasha dhaqanka beelaha Mirifle iyo labo ka mid ah dhaqanka gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan beesha Digil(Salaadiinta beelaha Tuni iyo Jiido) xarunta madaxtooyada Shariif ee magaalada Baydhabo.

Kulankan oo ahaa kulan uu dabada ka riixayay Shariif Xasan kadib kolkii uu ku guul dareystay in balanqaadyo uu horey ugu sameeyay Beesha Muduloodna uu kasoo bixi waayay ayaa waxa uu Shariif door biday inuu Mudulood iyo iska horkeeno beelaha dega KoonfurGalbeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo iyagu ku diiday Shariif in beelaha mudulood uu siiyo ka badan waxa ay xaqa u leeyihiin halka guud ahaan beelaha Digil iyo Miriflana ay beelaha Mudulood ka sugayaan saamiga magaalooyinka Muqdisho,Balcad,Jowhar iyo Mahadaay ay ku leeyihiin.

Kulanka oo ahaa mid fool ka fool ahaa isla markaana aan waxba la iskula harin ayaa gebgebadiisii waxaa muuqatay in dhinacyadu ay aad ugu kala fogaadeen qodobadii hor yaalay kulanka oo ahaa saami qaybsi ugu danbayn si aan loo dhihin kulankii waa burburay ayaa Shariifka waxa uu soo jeediyay in gudi ka kooban min Lix xubnood oo labada dhinac ah loo saaro kuwaasi oo sii anba qaadi doona qodobadii laysku mari waayay oo ay ugu weyntahay saamiga Digil iyo Mirifle ee Muqdisho.

Kulankan burburay ayaa waxaan ka qayb galin guud ahaa Odayaasha dhaqanka beelaha gobolka Shabeelaha hoose marka laga reebo Suldaan Xaydar iyo Suldaan Warsame oo iyagu u xuub siibtay u sharciyaynta Shariif Sakiin fikirkiisa guracan ee dadka iyo dalkaba uu doonayo inuu Gado.