Amisom oo Isaga Baxdey Degmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel-saliindi iyo Alshabab oo Isla Saaka La Wareegey

0
94

AfgooyeCiidamada AMISOM ee ka socda dalka Uganda ayaa la sheegay inay faarujiyeen degmada Kuntu-waarey iyo deegaanka Ceel-saliindi oo kawada tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Askartan ayaa ka guuray laba saldhig oo ay ku lahaayeen deegaannadaas, sida dadka degen goobahaas ay u sheegeen Warbaahinta, iyagoo intaas ku daray in ay ka daad-gureysteen saldhigyadaas agabkii millateri ee u yaallay.

Sidoo kale, Degmada Kuntu-waarey ayaa ka mid ahayd Degmooyinkii Sannadkii lasoo dhaafay ay ciidamadani ka qabsadeen Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.

Deegaanka Ceel-saliindi oo ahaa deegaan isku xirayay Shalanbood, Marka iyo Deegaanno kale oo Gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan ayaa la sheegayaa in xalay saqdii dhexe ay ciidamada AMISOM isaga baxeen.

Wararkaayaa sheegaya in Xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ayaa deegaanadaas la wareegay isla saakay, waxaana ay u khudbeeyeen dadka deegaanka, iyagoo ku goodiyay inay sii wadayaan weerarada ay u geysanayaan Ciidamada AMISOM.