Dowlada Ugandha oo Sheegtey in Ay Magdhow Siin Doono Eheladii Askartii Lagu Diley Janaale

0
23

Maydadka_Askarta_UgandaWasiir-u-dowlaha Gaashaandhigga Uganda Jen. Jeje Odong oo ka hadlayay Baarlamaanka Uganda ayaa sheegay in ciidamada Somalia ka jooga ay Gacanta ku hayaan Xoogag ka tirsan Al-shabaab ee Maalmo ka hor Weerar Khasaaraha badan geystay ku qaaday saldhig ku Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose oo ay askartooda AMISOM ka tirsan joogeen.

Jen. Jeje Odong ayaa Warbixinta uu siiyay Xildhibaannada dalka Uganda ku sheegay inay nolosha ku hayaan laba Xubnood ka tirsan Xoogaggii Al-shabaab ee Weerarka ku Qaaday Saldhigga AMISOM ee Jannaale, isagoo intaa ku daray inay hadda su’aalo weydiinayaan.

Dhanka kale, Leo Kyanda oo ka mid ah Saraakiisha Uganda ayaa sheegay in Weerarkii Jannaale ciidamadooda looga dilay 12 Askari sidoo kale ay jiraan 10 Askari oo kale oo kaga dhaawacmay Weerarkaas, kuwaasoo uu Xusay inay Qaar ka mid ah Dhaawacyada Askartoodu yihiin kuwo culus.

Wuxuu sarkaalku intaas ku daray in Qoysaska Askarta weerarkii Jannaale lagu dilay la siin doono lacag mag-dhow ah oo gaaraysa 50,000 oo doollarka Mareykanka ah, isagoo intaas ku daray inay lacagtan bixin doono Qaramada Midoobay.