Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka Dowlada Federalka oo Sheegey In Amisom Ay Magdhow Ka Bixin Doonto Falalka Ay Geeysteen

0
20

amisom1Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shaaciyay in dib loo eegayo dhibaatooyinka ay Ciidamada AMISOM ka geysteen Somalia wixii ka dambeeyay Sannadka 2011-kii oo ay socdeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah guddoomiyaha Guddiga Difaaca BFS ayaa u sheegay Warbaahinta inay la kulmeen Mas’uuliyiinta sare ee Ciidamada AMISOM, ayna kawada hadleen wax walba oo dhacay.

Sidoo kale, Xuseen Carab ayaa sheegay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay ciidanka AMISOM ka geysteen degmada Marka ay si gaar ah diiradda u saareen, isla markaana la magacaabay guddi baartaan dhab ah ku sameeyay dhacdadaas.

Hadalka Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor ay Muqdisho kulan Su’aalo lagu weydiinayay Madaxda Sare ee AMISOM, kuwaasoo la xiriiray tacadiyo ciidamadooda lagu eedeeyay.