Ciidanka Amisom oo Xaley mar Kale Dad Shacab ah ku Laayey Degmada Marka

0
29

Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Askar ka Tirsan AMISOM ay Xalay Dad shacab ah ku dileen gudaha magaaladaas.

Ilaa iyo hada waxaa la xaqiijiyey todoba ruux oo shacab ah in ay ciidamada AMISOM xalay toogteen, waxaana dadka la dilay la sheegay inuu ku jiray Aabbe iyo Caruurtiisa. Sidoo kale waxaa jira dad ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka degmadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka AMISOM ay nolosha ku kaxeysteen dhallinyaro badan oo ka mid ah kuwa deegaanka illaa iyo hadda lama oga halka ay la aadeen.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii la sheegay in shalay ciidamada AMISOM Qarax lagula eegtay Xaafadda Ruusiya ee Marka, iyadoo xaaladda ay tahay saaka mid kacsan.

Si kastaba arintu ha ahaatee gumaadka ay ciidamada amisom ka wadaan gudaha dalkla somaliya ayaad waxaad moodaa in ay sababtey la xisaabtan la,aanta falalka ay ka geystaan dalka gudihiisa dhibtan mid la ah ayaa waxaa ay ka dhacdey tuulooyinka hoos taga degmada buruhakaba halkaas oo ay ciidanka itoobiyaanka ku dileen dad shacab ah.