Dowlada Federalka oo Maanta Dacwadii Bada u Gudbisey Maxkamada Hague

0
35

hague courtDowladda federalka Somalia ayaa maanta oo Isniin 13-ka Bishan waxa ay si rasmi ah u gudbisay dacwada ka dhanka ah Dowladda Kenya ee ku saabsan muranka badda Somalia iyo Kenya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan dalka Holland ayaa maanta si rasmi ah u gudbiyay dacwadaasi oo ka kooban 150 Page oo Somalia ay diyaarisay, waxaana Xeer ilaaliyaha wehliya Looyaro Ajaanib ah iyo kuwa Somali ah.

Dr. Axmed Cali Daahir oo Documentigaan maanta gudbiyay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Somalia ay ku guuleysato dacwada badda ee Kenya iyo Somalia u dhaxeysa.

Kenya waxa ay fursad u haysataa inay 10-bilood kaga soo jawaabto dacwadaan maanta laga gudbiyay, waxaana Garsoorka Dacwada ah Maxkamada Hague oo go’aanada ay gaarto ka noqosho iyo dib u eegis toona aanan laheyn.