Xoghayaha Degmada Kaxda oo Maanta Kooxo Hubeysan Ku Dileey Degmada Dharkinleey

0
25

dilXoghayihii Degmada Kaxda oo lagu magacaabi jiray Bile Baajuun, ayaa la sheegay in kooxo hubaysan ay ku weerareen gaari uu watey xilli uu ku sugnaa degmada dharkiinleey.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxaha hubaysan ay rasaas la dhaceen Bile Baajuun, taasi oo keentay inuu u geeriyoodo rasaasta, xilli nimankii dilka geystay oo Baabuur watay ay baxsadeen.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Kaxda ayaa xaqiijiyay dilkaan maanta Degmada Dharkiinleey loogu geystay Xoghayihii Maamulka Degmada Kaxda.

Dilalka qorsheysan ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Dharkiinleey oo horay dilal kala duwan ay uga dhaceen.