MAQAALKEENA WAXAAN LEENAHAY SHARIIFOW XASANOW KUWII KAA HOREEYAY WAXAY KA XISHOODEEN AYAAD ADIGU KA XISHOON WEYSAY:

19
50

shariif-Xasan-11
Anagoo ah Siyaasiyiinta,Aqoon yahanada,Culuma’udiinka,Ganacsatada iyo Haweenka ka soo jeeda deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan G/SH/Hoose waxaan halkaan ku cadeeneynaa gardarada qaawan ee maamulka shariif sakiin uu ku hayo deegaanada koonfur galbeed gaar ahaan G/SH/Hoose isagoo ku tuntay Dastuurkii ku meel gaarka ee maamulka Goboleedka KGSoomaaliya. Ugu horeyntii waxaan fariinteeynu ku wajahan tahay oo aan rabnaa in ay nala ogaadaan dhamaan shacab weynaha soomaaliyeed, Dowlada Federaalka Soomaaliya,Qaramada midoobay UN.Ururka Hormarinta geeska Afrika IGAD, Ururka midnimada afrika AU, Jaamacada Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, Waxaan u sheeganaa in uu si barer ah ugu xadgudbay dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee lagu soo dhisay waxaan maqaalkena ku soo bandhigi doonaa qodobo ka mid ah dastuurka iyo war bixino kale. Markii la dooranayay isagoo dadkiisa soo sharaxay uu ka bixiyay lacagihii sharuudaha ahaa ee ay gudiga doorashadu ku xireen musharixiinta oo dhameyd qofkii $5,000, Lana soo xulay shan qofood oo uu ka bixiyay lacagahaas laguna balamay in maalinta doorashadu dhacayso ay soo istaagaan ka dibna ay ka tanaasulaan si uu isagu ugu soo baxo ileen ma uusan heli laheyn hadii ay doorasho xalaal ah ay meesha ka dhacdo dhamaan lacagihii uu shubayna dib ayaa loogu soo celiyay. Qodobka 44aad: Golaha Fulinta (Xukuumadda) Hay’adda Fulinta ee Dowlad Goboleedka waxay ka kooban tahay:- Madaxweynaha Madaxweyne ku xigeenada. Wasiirro Wasiir ku xigeenno Qodobkaan waxuu ka hadlayaa Golaha fulinta isla qodobkaan waxaa lagu soo daray wasiiru dowlayaal oo aanba ku jirin meesha, isagoo wiil uu adeer u yahay ka dhigay wasiiru dowlaha madaxtooyada oo lagu magacaabo mursal kaasoo wada maamula wasaaradaha oo dhan haystana dhamaan Emailada wasaardaha halka ay wasiiradaha oo dhana aysan u madax banaaneen in ay la xiriiraan caalamka intiisa kale. Qodobka 45aad: Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka. Laga billaabo maalinta la doorto madaxweynaha, Lixdan maalmood (60) gudahood odayaasha dhaqanka waxay ku soo xulayaan xubnaha golaha wakiilada. Qodobkaan 45aad farqadiisa 4aad waxuu ka hadlayaa maalinta la doorto madaxweynaha Lixdan maalmood (60) gudahood odayaasha dhaqanka waxay ku soo xulayaan xubnaha golaha wakiilada, Ilaa iyo hada isagaa diidan in la soo xulo baarlamaanka. Cutubka 8aad: Baahinta Maamulka. Qodobka 77aad: Baahinta Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka 1. Dowladda Goboleedka Koonfur-galbeed waxay ku dhaqmeeysaa Mabaadi’da baahinta xukunka heer tuulo, degmo & gobol. 2. Maamulada Degmooyinka iyo Gobolada waxay ku dhismayaan habka is maamulka bulshada, waxaana lagu dhisayaa xeer u gaar ah ay soo gudbisay xukuumada golaha wakiiladuna ansixiyaan. Qodobkaan isna waxuu ka hadlayaa baahinta maamulada gobolada iyo degmooyinka, Sidaad ogsoon tihiin waxaa baryahan socota isbadal uu ku sameenayo maamulada degmooyinka iyo gobolada waxaa is weydiin mudan wasiir aan cod kalsoonida ka haysan baarlamaanka in uu magacaabo gudoomiyayaal degmo ama mid gobo lama aysanba jirin xeerkii gaarka ahaa ee ay soo Gudbin lahaayeen xukuumada golaha wakiiladuna ay ansixin lahaayeen, Ugu danbeentii xukuumad la ansixiyay oo xeer soo gudbineyso meesha ugama jeedno golo wakiilo ah oo dhisana ma laha oo wax ansixisa. BAL FIIRIYA QODOBKAAN 40aad WASIIRADU IN AY ANSAXSAN YIHIIN IYO IN KALE Qodobka 40aad:Awooda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada (Baarlamaanka) Golaha Wakiilada waxay leeyihiin awood sharci dejin oo ah: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ku xigeenadiisa 1aad iyo 2aad. Sameynta iyo ansixinta xeer – hoosaadka Golaha Wakiilada. Kalsooni siinta ama u diididda Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka. Ogolaanshaha, wax ka bedelka ama diididda miisaaniyadda Dowlad Goboleedka. Ansixinta, wax ka bedelka ama diididda shuruucda ay u soo gudbinayaan Golaha wasiirada. Ka doodidda iyo u codeynta moshin ka dhasha Golaha Wakiilada dhexdooda ama mooshin ay soo jeediyeen ugu yaraan toban Kun oo qof oo ka mid ah shacabka dowlad goboleedka. Qodobka 8aad: Muwaadinka iyo Jinsiyadda Muwaadinnimada Dowlad Goboleedka waxaa soo cadeynaya: Degmada uu qofka ka soo jeedo. Qodobkaan Waxuu ka hadlayaa Muwaadinka iyo Jinsiyada mal isna nala arka farqadiisa 1aad, Qofka markuu Muwaadin yahay ayuu wax maamulaa waxaan aan u jeednaa in inta uu soo magacaabay oo ku xira xukuumada iyo maamulada siiba kan Sh/Hoose iyo degmooyinka uu hada magacaabayba ay u badan yihiin dadkii duulaanka ku ahaa deeganada uu hada u magacaabay. Qodobka 34aad: Waajibaadka Muwaadiniinta 1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah adkanyta Nidaamka Ummadda iyo Ilaalinta Dowladdnimada. 2. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah dhowridda Diinta Islaamka, Dastuurka, Xeerarka dalka iyo bixinta Canshuuraha ku waajibey. 3. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah ka qaybgalka difaaca Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed markii loogu yeero ama ay la gudboonaato. 4. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan faqrada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Qodobkan. Sidaad aragtaanba qodobkaan waxuu ka hadlayaa waajibaadka muwaadinka farqadiisa 2aad waxuu ka hadlayaa dhowrista Dastuurka, Ugu danbeentii Waxaan codsan laheyn in hogaamiyahaan ku xadgudbay dastuurka la soo taago maxkamada caalima ah isagoo markii hore ku mar marsiyoon jiray waxaa gacanta ka baxaysa Sh/hoose hadaan la dhisin dowlad goboleedna ay gacanta ka baxayso dadkii uu noogu beer laxawsanaayay in uu ka soo dhiciyo ayuu u sharciyeeyay hada inta dhiman uu rabaa in uu u sharciyeeyo taasna waxaan leenahay waan diidnay Shariifoow. DADKII KAA HOREEYAY WAXAY KA XISHOODEEN WAAYE ADIGANA WAXAAN KUULA TALINEYNAA IN AAD KA WAANTOWDID, HADII AAD KA WAANTOOWI WEYDO OGOW NINA SANDULE WAX LAGUMA MARSIIN KARO TAASNA WAAN DIIDNAY WAANA KA TASHANAY. Waxaan kaloo halkaan aan ku faah faahin doonaa sida uu awooda ugu gacan geliyay jufada uu ka soo jeedo ee ashraafta ah. Bashiir Fircoon waa wiil uu adeer u yahay, Waxuu u dhiibay dhamaan wixii qandaraasyo ah ee laga fulinayo dowlad goboleedka iyo biilka ay cunayaan wasiirada markey joogaan baydhabo Mursal oo ah wiil uu adeer u yahay oo uu ku magacaabay wasiir dowleha madaxtooyada, Waxuu maamulaa dhamaan wasaaradaha oo dhan iyo lacagta isbaarada afgooye laga qaado oo dhan maalintii $17,000-$23,000. Madeer waa nin ay walaalo yihiin oo isna ku magacaaban la taliyaha arimaha siyaasada waxuu u qaabilsan yahay wax alaale wixii loogu deeqo ah ee ay siiyaan wadamada caalamka. Asad waa wiil uu adeer u yahay oo uu ku magacaabay dhamaan wixii shirar ah oo looga hadlaayo New Deal-ka Waxa kaloo la yaab le in uu wasiirkii arimaha gudaha uu wado qofkii uu magacaabayo uu lacag ka qaato ugu yaraan $40,000 waa degmoouinka halka gobolkana laga qaadayo qofkii wax intaas kasii badan ama labalaab.   madeey_12@gmail.com Wabilaahi Towfiiq

19 COMMENTS

  1. dastuurka ma og yahay sakiin wuxu aminsan yahay in siduu isaga rabo uu wax u socodsiisan karo cid ka daba hadli kartana anay jirin hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho

  2. waa Ashraaf oo Minority ah Haday Digil saas yeelayso waxaan leeyahay Shariif Sakiin waxa aad wado hadaad dayn wayso inaat raaci doonto dadkii horay sidaadoo kale isku dayay inay Dulmiyaa Shabeelada Hoose.

  3. ninkaan mucaaradka ah oo madey labaxay yuu wakiila ka yahay in cabasho oo ku soo halqabsadey culumo iy wax garad anigaba gobalka ayaan ka mid nahay shariifna waan u jeednaa qofkale oo meeshaan qaban karo majiro yaan la is waalin sabtoo ah dhawr jeer ayaan meeshaan aan ku soo qorey marwaliba in aan wax sheeg sheegno waa laga fiican yahay inta aad wax duman laheydeen wax dhista oo taageeera duwaladiina cid idnka xigto malahan ee dacaayada raqiiska ah ee meelaha aad la wareegeysaan iska daaya umada hadal fiican u sheega koley umada gobalka waa tacbato nabad uunbaa rabtaa nabdana shariif ayaa u soo baxay in ilaaaheey uu utoogo oo nabda ay helaan umadiisa madey adiga meel iska joo ilaa labo sano kadib doorashada soo gal aan ku aragno waxa aad qaban laheed sidaasi ayaan ku leeyahay hadii aad gobalka u dhalatey ka dhax umadiisa ee mucaaradka kadaa dadka dawlad ha helaane dawlada hadii timaadana cida gobalka ayaa dan uga jirto tuugna waa uu iska tegayaa lakiin inta qas iyo qas lagu jiro tuugna waa uu kuula joogaa lasoco dawaladaan hala taageero ilaa iyo wakhti hala siiyo aniga arintaasi ayaan qabaa madeey naso adiga mucaaradka iska daa

  4. Shariifka waxa uu sidaan uyeelaayo waxay tahay reer Shabeellada Hoose Bkm Maqabtiina ee BKM yo soo gata iska celiya dadka idin haysta aniga maidin keenin markaas ayaan idin aqoonsanayaa ayuu leeyahay shariif sakiin soo lama dhihi kara waa wax meesha kujira dadaw yaan laga gardaanin Shariifka aad fatwooteen.

  5. horaa waxuu abwaanka wayn ee Mustafa uyri Dhulshee ladagaw madiidaw Daranaanshee lee inweeraw lama lamaa laniski diraw hoy Digil iyo Miriflaw Doo waa kooye markuu kadigaayay waxaan inay imaanayaan hada ma ahayn marka yaanan is wareerin ee dhimasho maogle dhulkaygana kirkiri inaan kaceliyo ayaan rabaa ulna mahaysto seefna wax iskama celin kari wax soconaayo mahan waxa dadka laiskaga celiyo waa Af iyo awood marka reer Shabeelada Hoose labada mahayaan ee haiska aamuseen.

  6. waxaan leeyahay walaalahay reer Digil Bimaalba dadyar ayaa kadhintay waa la aqoonsanyahay hadana is xorayn ayuu kujiraa ee adiga waxyar ayaa kaa dhimanaya waadna dadoowaysaa, dad ayaa naqonaysaa dhiigaaga waa uu kulaanayaa cabsida waa ay kaabaxee ee Dulinimo haku noolaan adoo ah Qabiil xadarad dheer leh baqortooyana ahaa .

  7. Digilka waxay garan waayeen waxa ay garteen reer Mareeray oo iska celiyay ciidamada tuutaha loo soo galiyay oo dhulboobka kusocda intay goor goortahay reer shabeelada Hoose hais walaashadaan hana iska celiyaan kooxda dhul boobka iyo Dalalayaashooda sida oday dhaqameedyada iyo tuuga wayn ee Shariif sakiin.

  8. Waxaan fahmi la ahay in Digulku waa lanyihiin iyo in Shariifku waalanyahay. maxaa yeelay Shariif waa Money orianter ( lacag raadiye ama sameeye) sharifka waxaa ucad kaliyaha lacagta Afgoye taala waxuuna u adeegsadaa qof alaale qofkii ufududeen kara oo uu isleeyahay kanaa lacagta kuu keeni karaa kuwaan Digilka waa Minority qorina maqabaan ama maisticmaalaan marka inuu isticmaalo hibil nuura siyaad iyo Jacfar Murursadaw maxaa udiidaayo marka Shariif mawaalnee dadkii fatwooday oo dan mooday ayaa waalan ee nin kuwaashtay Lacagta waa laiska dhicin karaa oo asagana maxumee Lacagta ayuu arkaa maxaa qaldan malahan ee halayska dhiciyo.

  9. waxaa jirta maah maah carabi ah oo dhahaysa calaamatul Madar fi saxaab oo shaagaysa waxaa laga dareemayaa inuu roob soo socdo Cirka Marka in Shariif Sakiin keenayo kirkiri iyo Dhul boob Sad bursi iyo dhiigyacab iyo qarxaaye iyo Cunaaye laqaaye ma shaki baa kujiray mise Kofiyadaa idin sirtay ood moodeen Ahlu bayt iyo nin ashraftii lagaran jiray oo boqlka dhawi jirtay oo Masaakiinta ahayt ninkaan Somaalida oo dhan ayuu kacabaadsiiyay adinka maidin daahyo ee dadbka hala tuso ayaan dhihi lahaa aniga nimaan maartaada kaacelin baryo kaama celiso yaan laga xishoon kabahiisa haka ordo.

  10. kkkkk war Digilkaan waashtay ma ahlu baytkaayaat saan oo dhan ugu gafaysaan hadad adinka iska celin wayseen daka dhibka idinku haayo ma shariifka ayaad cayneesaaan hadana anagana afgoye ayaan usoo soconaa waxaana laqaybsanaynaa kuwa dhibka idinku haayo anagana waan laba jibaaraynaa waxaad qaadi kartaan hala idinka arko hadal badan wax mataro.

  11. Asc marka hore marka xigta waan yaabanahay aniga waxaana layaabanahay war gaaladii ayaa xishmaysay inay siiso dadka ay dhulka ka xoogto uu asal ahaan udagan xooghayaha dawalada Hoose iyo waxii kusaabsan Dawlada Hoose sida canada America waxaa aad loo xishmeeyaa dadka deegaanka loogu imaaday oo lasiiyaa Maamulada Hoose meeshaan Shabeelada Hoose waxaa ka dhacday dad xoog kuyimid oo Baabuur lee wali saaran in lasiiyo dawladii Hoose dhan tan waxay cadaynaysaa in nabad loo rabin Gobalka Shabeelada Hoose kaas ah xaka somaliya hadii shabeelada Hoose ay dadkiisa iska dhiciyaan kooxda Dhul boobka Somaliya Nabad ayaa kadhalaynaysa marka reer Shabeelada Hoose Nabada soomaaliya gacantiina ayay kujirtaa waadna qiyaasi kartaa Qaabka ay ku imaan karto.

  12. yaan la is daalin arintan saaney ku dhamaatey filmkaan markuu dhamaado ayaa la idnka rabaa in aad dada keensataan hada shariif ha loo daayo ayaan taaganahay sabatana mar hore ayaan idn sheegey

  13. Asc dhamaan aqristayaasha sharafta leh waxaan idiin sheegayaa in uusan shariif sakiin wax dan ah u aheyn reer sh/hoose waayo waxaan aragnaa in uu u sharciyayeenayo mooryaantii ku soo duulay gobolka arag cali nuure waxuu u magacaabay G/xigeenka xaga amniga ee G/sh/hoose waa ninkii hogaaminaayay dagaaladii ugu danbeeyay ee shacab badan lagu baro kiciyay Jacfar waa gudoomiyihii hore ee degmada howlwadaag waxuu u magacaabay taliyaha nabadsugida G/sh/hoose isna waxuu ka mid ahaa mooryaantii ku soo duushay gobolka markii laga qaaday degmada howlwadaag Maxamuud Daahir Qooley isna waxuu u magacaabay iskuduwaha maaliyada gobolka waxuu ka mid ahaa mooryaantii ku soo duulay gobolka Abshir dheere isna waxuu u magacaabay Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha isna waa mooryaantii ku soo duushay gobolka MARKAA WAXAAD OGAANEYSAAN IN AAN LAGU SOO KOOBI KARIN QORAALKAAN INTA MUNAAFAQ UU U MAGACAABAY EE AH MOORYAANTII KU SOO DUUSHAY GOBOLKA OO AHEYD IN MAXKAMAD LA SOO TAAGO AYUU KU ABAAL MARIYAY JAGOOYIN WAX QABADKIISI UGU HOREEYANA WAXUU KA DHIGAY IN ISBAAROOYIN UU U SHARCIYAYEEYO AY UGU WEYN TAHAY BAAR ISMAACIIL, UGU DANBEENTII WAXAAN LEENAHAY SHARIIF SAKIIN IYO DADKII XASUUQA KA GEEYSTAY GOBOLKA WAA LA YAQAANAA HALA SOO ISTAAJIYO MAXKAM CAALAMI AH HUBKANA HALA QAATO HALAYSKA DUL QAADO HADHAADIGA KU NOOL DHIIGA SHACABKA MAHADSANIDIIN

  14. Suuqa kala iibsiga xubnaha ka mid noqonaya maamulka ganacsiga ee shariif sakiin: wararka xaqiiqada ah ee aan ka heleeno dad ay ku dhacday iyagoo ka doontay jago maamulka sharif sakiin ee dhiigmiiratada ah ee doonaya in uu ka sameeyo lacag deg deg ah ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu dilaal ka yahay ninka uu adeerka u yahay ee isku magacaabay wasiir dowleha madaxtooyada ee aan dastuurku digeen wasiir dowle, ee la dhaho MURSAL ayaa waxaa uu dadka ku gor gorinayaa hadba qofka xilka uu rabo inteey le’eg tahay gudoomiyaha degmooyinka qofkii raba waxaa laga qaadaa $40,000-$50,000 Agaasimayaalka $25,000-$30,000 Isku duwayaasha $15,000-$20,000 Halka gudoomiyayaasha goboladu ay marayaan $150,000-$250,000 SHACABKA KOONFUR GALBEEDOOW MA WAXAAS AYAAN FIIRSANAA WAA IN MAXKAMAD LA SOO ISTAAJIYO MURSAL IYO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA AAN SHARCI KA HAYSAN BAARLAMAANKA AAN DHISNEYN OO LAGU MAGACAABO C/RAXMAAN SATE OO SI GAAR AH JEEBKA UGU GALAY KAABO MOORYAAN CALI NUURE SHACABKOOW HALA KACO GURYIHIINAA KU SOO DHOW IN LAYDINKA QAADO HABEENKAAD KU SOO HOYATO SIDII HOTELADII OO KALE

  15. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Hala yareeyo hadalka,iska caabinta hala kordhiyo qof kasta damac kaga jirey sh/hoose wuu tegi doonaa.

Comments are closed.