Kolonyo Hogaamineysey Safiirka Imaaraadka Somaliya u Fadhiya oo Maanta Qarax Lagula Beegsadey Tarabuunka

0
105

qaraxKolonyo hogaamineysey safiirka imaaraadka carabta u fadhiya dalka somaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magalada muqdisho isagoo marayey wadada tarabuunka ee degmada hodan kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

ilaa iyo hada inta la ogyahay waxaa ku dhintey 9-qof dhaawacana waxaa la sheegayaa in uu kor u dhaafey 12 ruux.

Lama oga khasaaraha kasoo gaaray saraakiishii u dhashay Imaaraadka Carabta ee la socday gaadiidka Weerarka Qaraxa ah lala beegsaday, Waxaana weerarkaan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lala beegsado ajaanib ah tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkan, iyadoo aysan weli hay’adaha amniga ee dowladda Somalia si ramsi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ahaa mid aad u xooggan.