Taliyaha Ciidanka Boliska oo Ku Amrey Ciidanka Boliska ee Baydhabo Ineysan Qaadka Cuni Karin Xiligan Shaqada

0
29

xamudTaliyaha ciidamada Booliska dowlada federalka somaliya oo shalay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa amar kusoo rogey ciidamada boliiska ee ku sugan Magaalada baydha una sheegey inaysan qaadka cuni Karin xilliyada ay ku jiraan shaqada.

Amarkaan horay ayuu taliyaha ciidanka Booliska u faray ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho ku sugan, hayeeshe shalay ayuu sidoo kale gaarsiiyay fariintaan ciidamada Booliska Baydhabo ku sugan.

Generaal Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska Somalia, ayaa cadeeyay in askariga xilliga shaqada uu ku jiro aanan loogu dulqaadaneyn inuu cuno qaadka, balse kolka uusan shaqqada laheyn uu u fasaxan yahay.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada Dowladda ayaa qaadka cuna xilliyada shaqada ay ku jiraan iyo xillliyada aysan shaqada ku jirin, taasi oo hoos u dhigeysa sharafta cidanka.