Shariif Xasan oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Sarkaal Itoobiyaan ah Oo Qeyb Lixaad ka Qaatey Burburintii Maamulka Lexda Gobol

1
84

shariifShariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii shaley waxaa uu shahaado sharaf gudoonsiiyey Sarkaalka Madaxda u ahaa Ciidanka Itoobiyaan ee ku suganaa Magaalada Baydhaba xiligii la burburinaayey maamulka 6da gobol ee koonfu galbeed somaliya.

Shariif Xasan ayaa bixiyay Shahaadada kadib markii uu Sarkaalkani Itoobiyanka ah uu door weyn ka qaatay Mashruuca Seddaxda Gobol iyo Caburintii Shacabka Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidamada itoobiyaanka ee ku sugnaam agalad baydhabo kolkii sida gardarada dadka loogu gumaadayey magalada baydhabo wuxuuna ku muteystey dhibaatooyinkaas ay u geysteen shacabka koonfur galbeed shahado sharaf uu shariifka gudoonsiiyey malintii shaley.

Ugu danbeyntii Shariif Xasan ayaa bogaadiyay dhamaan Saraakiishii kaalinta weyn ka qaatay burburinta maamulka lexda gobol oo aad ugu han weynaayeen shacabka koonfur galbeed.

shariif

 

1 COMMENT

  1. History waaye tan Somali ayeeyna uu tasha Wax ma garadka ayuu qayani kara ee ETHOBIAYAN weey ogyihiin wuxuu yahay . Dan gaar ah iyo damac walan usan gareyniin ayuu wata. ASWT ayase ka sareyo.
    Waqtiga waa dahad DM kuwan waqti yaan leysaga dhuminiin maanta Sharaftena Dadnimadena iyo Jiritankena ayaa qatar ku jira. carurtena DIGNITADODA (SHARAFTODA ) ayeey Ninkan iyo kuwa Muqdisho jooga oo DM matalo aya Gateen DM TASHO am GUMEYSI CUSUB IYO GUUN NIMO CARUURTADA UU SON QAAD

Comments are closed.