Dhegeyso: Kuwii Shaley Axmed Madoobe Gacanta U Geliyey Koonfur Galbeed Oo Maanta Cabaad Lasoo Taagan

5
32

madoobe iyo afaraleWaxaa maalintii shaley warbaahinta kula hadley magalada baydhaba Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale iyo xildhibaan Aadan Madoobe oo labadaba ka tirsan baarlamaanka dowlada federalka somaliya.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ay ka hadlayeen xulista baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe ayagoo sheegey in aan si xaq ah loo qeybsan xubnaha baarlamaanka ee maalmulka jubba.

Xildhibaanada hada ku doodaya in maamulka Axmed Madoobe aan si xaq ah loo qeybsan ayaa waxaa ay safka hore uga jireen sidii loo burburin lahaa maamulkii lexda gobol ee uu hormuudka ka ahaa Madoobe Nuunow ayagoo qadiyada markaasi ku bedeshey waxoogaa saabuun ah oo ay kasoo qaateen Shariif xasan oo markaasi u ololeynayey maamul seddex gobol ah.

Waxa is waydiin mudan mas’uuliyiintan shirka jaraa’id qabanaya ee sheeganaya in ay yihiin Siyaasiyiin u doodaya Xuquuqda dadkooda miyaaney aheyn kuwii dadaalka dheer u galey sidii lagu burburin lahaa maamulka lexda gobol?

Mise wexey moodeen in bulshada koonfur galbeed ay ilowdey falkii ay geysteen?

Bal nala dhegeysta waxa ay ku andacoonayaan

xildhibaan afaraale

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

xildhibaan afaraale mobil

5 COMMENTS

  1. Kuwii Shaley Axmed Madoobe Gacanta U Geliyey Koonfur Galbeed Oo Maanta Cabaad Lasoo Taagan
    runtii website daafeet kuma habooneeyn cinwaankaan in uu isticmaalo
    waa dad labada sheikh adan iyo afraale lagu kalsoonaan kari
    inta jeer ay diideen ay ka hadleen maamulka axmed amdoobe iyo kan sakiin xisaab ma laha
    laakin maanta waa ka dhacdeen topic muhiimada inaad ka racdaan ay ahayd waa loo baahanyahay in loo akco digil mirifle
    ma ahayn in aad cambaar eeysaan dadka noocaan ah ee hal doorka DIGIL iyo mirfle ah

  2. Kuwan ASWT ayaa ka sareyo DM waqtigan yaan leysga dhuminiin kuwan hadaladooda iyo kuwo kale oo Magacena Muqdisho ku jooga waa bartire Buug kuma yaalo markey microfonada so istagaan DAN GAAR AYEEY WATAAN waa na af garta ……………. Dhulkena kuwi gatey dadkena manta mesha ay joogaaan jojiyey ayeey ka mid yihiin Sherif Hassan waa gardaro garab og aygana ka mid aha kuwa Gurbaanta uu tumayeey Axmed Madobe dhul dadkisa dayacay ayuu dariq ka qatey.
    3 Gobolo kale Shabelada HOOSE BAY iyo BAKOOL MAJERTEEN OGADEN HAWIYE mamulkoda nala wadagowhayaan DM Tasho ama in lagu TALIYO OO LAGU GUMEYSTO OGOLOW kuwa XILDHIBANADA AAD KU SHEGEYSAN oo MUQDISHO JAWARY HOOS FADHIYA INCLUDIN ASAGA DM waxba uma hayaan Danaxoda ayeey wataan .
    DM tasho ama Gumeysi ogolow Guun nimona caruurtada ha uu diyargarobaan

  3. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Digilmirifle:iga qaad war kooban,wax badan baan ka ogahay masuuliyiinta ,laga soo bilaabo xukuumadii adan cade ilaaa laga soo gaaro midaan xasan sheekh .masuuliyiinta Digilmirifle waxay u qaybsan yihiin sidaan:1-dhuune qaatiyaal wax ka arka hunguriga.2-kuwo rabaan in la adoonsado abidkood,is ka da hadii aad tiraahdo ku dilaaya.3-kuwo muwaadhiniin ah oo doonaya in ay xoreeyaan dalka iyo dadka,goor walbana diyaar u ah in ay u huraan naftooda,maalkooda,iyo aqoontooda.xaq u dirirkow,xuriyad u dirirkow gundiga giisista hacajisina aduunyo maalin walba waa gabar wax guursada ayey baadi goob ugu jirtaa fursad weyn baad haysataan ka faa’ideysta.

  4. Wal reg eri rega diidi Ahmed Madoobe shaley inkaa 3 bogol banaanka ooga dhigey ka dib IGAD oof Afey uu hor socdo iyo Kenya iyo Ethiopia oo labadaba Ogaadeen uu ka danbeeyo. DM 3 gobol waxey u heysteen in maamulka la wada wadaagi doono maadaama D& M ay majoritiga Yihiin taasi mey dhicin hada iyo dan. Magaar lanki Fidiye ma laabe waayow. Afaraale maasha Alaah walaal dadaal badn waaye ololihii KG6 si fiican buu qeyb weyn noogu garab istaagey. D&M aayda Masuulka hala daayo Caano daatey waa ladaba qabtaa cadow aan iska dhicino aan meel uga soo wada jeedsanosahley bee sidaan sameeyey waa doqonimo. Aduunyo is bed bedelaka ayey aakhiro kaga duwan tahay.Sheekh Adan Madoobe iyo Afaraale xaqa D& M waad idinka sugeynaa.

  5. D M walaalow websideka daafeet wax lagu eedeeyo maleh sababtoo ah nimankan ayagey ahaayeen kuwii qubka mooska ah u dhigey malaaq shuuroow iyo madoobe nuunow in ay ku adkeystaan maamulka 6da gobol, Markii ay shaahooda ka heleen Shariif Xasana ayagey ahaayeen kuwii hishiishka muqdisho kula soo galey Shariif Xasan si loo qaato maamulka 3da gobol.

    Marka ma ii sheegi kartaa waxa ay manta intey mic qabsadaan oo ay u calaacalayaan ayagaa shaley 3 gobol micno daro ku siiyey Axmed Madoobe taariiqda ma aha sidii waqtigii hore manta wax walboo dhacay tan iyo maalintii la damcey in la sameeyo maamul lex gobol ah wexey ku jiraan oo aad ka heli kartaa Google iyo Youtube weyna ku mahadsan yihiin dadka iska xil saarey in ay ururiyaan taariiqda balka madow ee soo martey reer koonfur galbeed iyo kuwii geysteyba.

Comments are closed.