Alshabab oo Xaley Qabsadey degmada Wanleweyn Saacadana heystey

0
27

shababWarar aynu ka helney magalada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Ururka Shabaab Magaaladaasi ay xalay qabsadeen, kadibna dib ay uga baxeen Saqdii dhexe ee xalay.

Weerar dhowr jiho ah ay kasoo qaadeen Shabaabka ayaa waxaa ugu suuragashay inay gudaha u galaan Magaalada Wanlaweyn, xilli dagaal kooban ay kala hor yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magalaadaasi ku sugnaa.

Ciidamadii Dowladda ayaa u babac dhigi waayay awooda Shabaab, maadaama ciidamada Shabaab ee weerarka ku qaaday Magaalada Wanlaweyn ay ahaayeen kuwa aad u badan oo dhowr jiho kasoo galay Magaalada.

Ciidamada Shabaab ayaa gudaha u galay Magaalada Wanlaweyn, waxa ayna qabsadeen Saldhiga Magaalada iyo goobo kale oo ciidamada fariisimo ay ku lahaayeen.