Faahfaahin kasoo baxeysasa Qabsashadii Alshabab Xaley Qabsatey Degmada wanleweyn Saacada Heysteen

0
48

alshabaAl Shabaab ayaa sheegay in ciidamadooda ay u suuragashay inay saacado haystaan gacan ku haynta Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Shabaab waxa ay sheegeen in Magaaladaasi dagaal xoog ku gal ah ay ku qabsadeen, kadib markii ciidamada Dowladda ee Magaaladaasi ku sugnaa ay u babac dhigi waayeen awooda ciidamadooda.

Waxa ay Shabaabka sheegeen inay dileen labo ka mid ah ciidamadii Dowladda ee ku sugnaa Saldhiga Magaalada Wanlaweyn, sidoo kalena Shabaabka ay gubeen baabuur dagaal oo gurmad ahaa oo kasoo baxay Garoonka Bali Doogle sida ay sheegeen.

War ka kasoo baxay Shabaabka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Shabaab ay qabsadeen labo gaadiid oo ay ka kala kaxeysteen Saldhiga Magaalada iyo Guriga Guddoomiyaha, sidoo kalena Shabaabka waxa ay sheegteen inay saanad Milateri furteen.