Airporka Adan Cade oo Lagu Qabtey Diyaarad Sidey 25 Kun oo dhalo Qamri Ah

0
386

alcoholSaraakiisha ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay diyaarad siday dhalooyin qamri ah oo gaaraya 25-kun oo dhalo oo ciidamada ay ku qabteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Booliiska Somaliya General C/laahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in markii hore dhallooyinka qamriga loogu sheegay inay yihiin sharaab/cabitaan caadi ah, laakiin ay baaritaano ku ogaadeen in ay yihiin waxyaabaha maanka dooriya.

Wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska ee Garoonka Muqdisho ay arintaan ka hor tageen islamarkaana uu ugu hambalyeynaayo howlaha wanaagsan ee ciidamada ay qabteen.

Sidoo kale Generaal Bariise, ayaa sheegay in waxyaabaha maanka dooriya loo waday shirkada SKA oo garoonka Muqdisho qaybta shidaalka haysata, isaga oo sheegay in markii ay u yeereen masuuliyiinta shirkadaasi ay ka dhaga adeegeen inay yimaadaan.