Dowlada Mareykanka oo safiir U Magacawdey dalka Somaliya 24 Sano Ka Dib

0
31

US-new-ambassador-for-SomaliaMadaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa markii ugu horreysay danjire u soo magacaabay Somalia tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, iyadoo tani ay tahay tallaabo xoojinaysa xiriirka Somalia iyo Mareykanka.

Afhayeenadda wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Jen Psaki ayaa sheegtay in madaxweyne Obama uu u magacaabay Khaterine Dhanaani danjiraha rasmiga ah ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya kaddib 24-sano.

Katherine Dhanaani ayaa muddo ahayd siyaasiyad ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, iyadoo khibrad u leh ka shaqeynta Qaaradda Afrika, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Sidoo kale, Jen Psaki ayaa sheegtay in magacaabistan ay tahay taariikhi ah ayna muujinayso xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dowladaha Somalia iyo Mareykanka, waxayna xustay inay tani qayb ka qaadanayso horumarka Soomaaliya.