Wasiirka Wasaarada Warfaafinta oo Maanta Xilkii la Wareegey

0
130

xil wareejinMunaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka warfaafinta xukumadda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo munaasabadda uu ka qaybgalay ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay qayb ka mid ah waxqabadka wasaaradda warfaafinta Somalia, iyadoo agaasimaha wasaarada, C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) uu ka sheegay munaasabadda in shaqaalaha wasaaradda ay ku shaqeeyaan xaalad adag.

C/llaahi Colaad oo wakiil ka ah wasiirkii hore ee wasaaradda, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow ayaa yiri. “Mudane ra’iisul wasaare shaqaalaha wasaaradda waxay ku xaquuq yihiin shaqaalaha caadiga ah ee dowladda Somalia, iyagoo shaqeeya muddo 24-saacadood ah, waxanase ku dadaalaynaa in arrintaasi la xaliyo.”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Rooble ayaa xilka wasaaradda si rasmi ah ugu wareejiyay wasiirka cusub ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir, iyadoo lagu kala saxiixday xafladda dukumiintiyada xil-wareejinta.