Hoobiyeyaal Maanta Lagu Weerarey Villa Somaliya

0
95

villa-somaliaMadaafiic aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa maanta kusoo dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo uu ku dhintay hal qof mid kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac fudud, sida ay sheegeen saraakiisha amniga DFS.

Qaar ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa madaxtooyada gudaha u galay, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan, iyagoo ku dhacay goobo gaadiidka la dhigto oo ku yaalla gudaha xarunta madax-tooyada Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xiray waddooyinka laga galo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo dadka u diidaya inay gudaha u galaan madaxtooyada iyo guryaha ku dhow.

Sidoo kale, waxaa hoobiyeyaal ay ku dhaceen agagaarka safaaradda Jabuuti oo u dhaxeysa madaxtooyada iyo tiyaatarka Qaranka, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay illaa hadda geysteen madaafiicdaas.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay madaafiicda lagu weeraray Villa Somalia oo ah halka ay ku shaqeeyaan madaxda dowladda Somalia.