Dayaarado dagaal oo Maanta Duqeyn Ka Geystey Deegaanka Jilib-Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0
35

diyaarad-dagaal1Diyaarado dagaal ayaa maanta duqeyn ka geystay deegaanka Jilib-marko oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan, sidoo kalena lama oga dalka iska leh diyaaradaha duqeynta geystay, balse dadka qaarkiis ayaa sheegay in gantaallo culus ay rideen diyaaradahan.

Mareykanka ayaa sannadkan dhowr jeer duqeymo diyaaradeed ka geystay deegaanno ku yaalla gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay weli awood badan ku leedahay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ka tirsan.

Al-shabaab ayaa weli ka hadlin duqeynta maanta ay diyaaradahu Jilib-Marko ka geysteen, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo deegaankan ay u geystaan duqeyn diyaarado dagaal.