War Deg Deg Afar Ruux oo Kol Dhaweyd Lagu Diley Meel Ku Dhow Hotel Naasahablood ee KM4

0
25

breaking nKooxo hubeysan ayaa kol dhaweyd waxaa ay 4 qof ku dileen dhowr kalena way ku dhaawacmeen agagaarka Hotel Naasahablood ee KM4.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga ay wateen kooxaha hubeysan ay ku hor-gooyeen gaarigii ay dadka la dilay wateen, kadibna ay ku fureen rasaas taasoo keenta yin 4 qof oo ka mid ah kuwii gaariga saarnaa ay halkaas ku geeriyoodaan.

Rasaasta lagu furay gaariga ayaa la sheegay inay sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen saddex ruux oo kale, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxda hubeysan ay bartilmaa-meedsanayeen mid ka mid ah shaqalaaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wali lama Cadeyn Dadka Weerarka loo qoondeeyey lagu dilay wax ay yihiin.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyadoo sidoo kalena aysan hay’adaha amniga dowladdu ka hadlin weerarkan lagu dilay saddexda qof.