Shirka Loogu Magac darey Hiigsiga Cusub oo Maanta Ka furmey Magalada Copenhagen ee dalka Denmark

0
33

denmarShirka hiigsiga cusub ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Wafuud heer caalami ah.

Dhanka dowladda waxaa uga qeyb galayaa Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isugu jira labada gole ee dowladda iyo xubno kale oo ka socda Maamul goboleedyada dalka.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadda ee ku saleysan, hiigsiga sanadka 2016-ka, dhismaha maamul goboleedyada, hirgelinta nidaamka federaalka iyo waxyaabihii laga qabtay dib u eegista dastuurka dalka.

Shirka hiigsiga cusub ee New Deal waxaa kaloo lagu soo hadal qaadi doonaa arrimo ay ka mid yihiin la xisaabtan xagga maaliyadda gaar ahaan deeqaha ay beesha caalamka ugu deeqday Soomaaliya, iyadoo laga eegayo go’aanadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ee sanadkii 2013-ka.

 
Daafeet.Com