Wariye C/risaaq Cali cabdi oo Saaka Lagu Aasey Magalada Gaalkacyo

0
33

aasWariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver oo xalay Kooxo hubaysan ay dileen ayaa Saaka Meydkiisa lagu aasay Magaallo Madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Wariye C/rizaaq Cali Cabdi Silver ayaa ka tirsanaa Idaacadda Daljir xarunta ay ku leedahay Gaalkacyo,waxaana uu ahaa Wariyaha Horn Cable Tv uga Warrama Gobalka Mudug.

Aaska loo sameeyay Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka soo qayb galay Culimaa’udiin,Maamulka Gobalka Mudug,Maamulka Degmadda iyo dadweyne aad u faro baddan.

 
Daafeet.Com