Golaha Wasiirada oo Maanta Kulankoodii Ku Ansixiyey Laba Qodob oo Muhiim Ah

0
24

golaha w1Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey miisaaniyadda dalka ee sannadka 2015 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Miisaaniyadda oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xerooda iyo deeqaha caalamiga ah ayaa gaaraysa $216 malyuun oo dollar, waxana inteeda badan ku bixi doontaa dhinacyada ammaanka, adeegyada bulshada, mashaariic horumarineed iyo bixinta musharaadka shaqaalaha rayid ah iyo ciidanka ee Dawladda.

Dhinaca kale, shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaalaiya ayaa maanta lagu ansixiyey Hindise-sharciyadeedka Dhisidda Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana shaqada guddigan ay muhiim u tahay arrimaha Federaalaynta dalka iyo dhismaha Maamul Goboleedyo rigli oo ka hanaqaada dalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaalka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo aragtideedu tahay in la dhamaystiro shaqooyinka uu farayo Dastuurka dalka ka hor inta aan la gaarin 2016-ka oo loo ballansan yahay in loo dareero doorashooyin qaran.

“Waa tallaabo kale oo horumar ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya u qaadday dhinaca Federaalaynta dalka iyo dhamaystirka shaqooyinka faraha badan ee horyaalla Dawladda Soomaaliya. Guddigan waa mid madax bannaan oo xalin doona khilaafaadka Maamulada isla markaana jaan-goyn ku samayn doona xuduudaha rasmiga ah ee ay yeelan doonaan Maamul Goboleedyadu”. ayuu yiri Mudane Ridwaan Xirsi

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyey Hindise-sharciyadeedka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana guddigan uu qaban doonaa shaqooyin fara badann oo laf-dhabar u ah xaqiijinta aragtida hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka iyo dimuquraadiyadaynta dalka.

Tallaabooyinka uu Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta ku meelmariyey Hindis-sharciyadeedyadan labada ah ayaa ka markhaanti kacaya dadaalka Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ee ku aaddan xaqiijinta aragtida Soomaaliya ee 2016-ka oo ah in dalka la gaarsiiyo doorashooyin guud oo ay dadku codkooda dhiibtaan.

golaha w1

golaha w

golaha w3

golaha w 2

Daafeet.Com