Maamulka Siilaanyo oo xaley xabsiga dhigey qaar ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Wadani

0
33

SiilaanyoWararka ka imanaya Magaalaa Hargeysa ayaa sheegaya in afar ruux oo kamid ah Xizbiga mucaaradka ah ee Wadani oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Cabdi Raxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo ah gudoomiyaha Xizbiga la dhigay xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa fiidnimadii xalay.

Waxaa la sheegayaa in afarta masuul ee jeelka la dhigay ay ahaayeen gudiga qaban qaabada soo dhaweynta gudoomiyahooda, iyada oo wararku intaa ku darayaan in gaadiidkii ay wateen xilligii la xirayay ciidamada amaanku ay la wareegeen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xarigooda, walina kama hadlin maamulka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Si kastaba arintu ha ahaatee xiisado aan horey looga baran ayaa beryahan dambe kasoo cusboonaanaya Maamulka cusub ee sSiilaanyo kaasoo u badanaya dhinaca keligii taliyenimada isagoo xooga saara sidii uu u caburin lahaa xisbiyada siyaasadeed ee loolanka kula jira.

 

 

Daafeet.Com