Ciidamo ka socda Dalka Siera leone ee ku sugan Dalka Somaliya oo sheegey ineysan helin wax mishaar ah Labadii bilood ee lasoo dhaafey

0
34

Nigerian reinforcements ECOMOG peacekeepDowladda Sierra Leon oo ciidankeeda ay kamid yihiin kuwa ka howlgala dalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in muddo labO bilood ah aysan helin wax mushaaraad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga dalka Sierra Leon, ayaa waxaa lagu sheegay in muddo labo bilood ah aysan qaadan ciidankaasi wax mushaaraad ah.

Sidoo kale warka kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi, ayaa waxaa lagu sheegay in tan iyo markii ciidamada Sierra Leon lasoo dhameestiray mushaarkooda aysan si joogto ah u heli jirin.

Ciidamada Sierra Leon ayaa kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, waxaana ay ciidankaasi ku sugan yihiin Gobalada Jubbooyinka, iyaga oo la howlgala ciidanka Kenya.
Daafeet.Com