Qormadii Abdiaziz Sh Salah:- Ku Nacnayee HabarGidir Gurigeena nooga Baxa!

16
119

nacGuud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay ka midaysan yihiin diidmada ay diidan yihiin in beesha Habargidir ay ku sii amar ku taaglayso masiirkooda ka dib 22 sano oo tacadi aan wax loo dhiga la arag oo ay ku samaysay dhamaan Noole iyo Manoole wixii uu Rabigay uu ku abuuray ciida gobolka Shabeelaha hoose.

Falkan xun ee ay Habargidir ka geysatay gudaha gobolka Shabeelaha hoose ayaanu ahayn falka kaliya ee ay beesha Habargidir ka samaysay gudaha gobolada dalka.
Habargidr waxaa horay heeryadeeda gumaysiga isaga tuuray oo dagaal cad kala hortagay falkeeda Gumaysiga ku dhisan Beelaha Muqdisho,Beelaha reer Gedo,Beelaha reer Hiiraan oo maalin cad inta ay diideen misna qoriga caaradiisa ay kaga soo saareen deegaankooda,Sidoo kalena Beelaha Bakool iyo Baay dega oo iyaguna gumaysigii Habargidir dharaar cad ku caasiyay sidaa oo ay tahayna beesha Habargidir marnaba kama qancin Gumaysiga ay doontay inay Gumaysato beelaha Soomaaliyeed.
Kol hadii Milada iyo Caqiidada beesha Habargidir ay  tahay Iska kay dhici hadii kale waa ku dulsaarnaanaa oo ku Gumaysanaa ilaa Qiyaamaha,
Ma waanay ahayn inay isweydiiyaan reer Shabeelaha hoose cida ay ka sugayaan inay Habargidir uga ergeeyaan oo ugu sheegaan in aan Habargidir looga baahnayn gobolka misna ay ku laabato halkii ay ka timid iyo Galgaduud.
Runtiina aad bay u sahlantahay in jawaab loo helo su’aasha ku aadan beesha Habargidir iyo Naca loo qabo gudaha gobolka Shabeelaha hoose,
   Kol hadii ay dhab tahay inay Shacabka gobolka Shabeelaha hoose ay naceen Habargidir misna ay QaataBILLAH ka taagan yihiin magaca iyo muuqa Habargidir misna maankooda ka guuxayo kuna taamayaan inay maalin uun ka hoos baxaan dhibta ay biday beeshan Habargidir waxaa ku filan inay markaliya wada dhahaan “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
   Kolka laga hadlaay dhibaatooyinka muuqda iyo kuwa aan muuqan ee Shacabka gobolka Shabeelaha hoose si guud ah ay ugu gaysatay beesha Habargidir ayaa waxaa ka mid ah:
1-Baqdin gelin guud.
Guud ahaa shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa la geliyay argagax aan dhamaan oo ay beesha Habargidir u adeegsatay wax kasta oo ay awood u lahayd laga bilaabo Qori,Hanjabaad,Dhaqaale iyo Falkasta oo argagax leh xitaa hadii falka argagaxa lihi meel markiisa loogu baahdo in Shacabka Diin looga dhigo falkaas la Diimeeyo oo lagu been abuurto Diinteena Xaniifka ah.
2-U dhibaatayn.
Guud ahaan Shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay beesha Habargidir u dhibaateeysay Noloshooda,Fekerkood iyo Damiirkooda iyadoo intabana uga faa’iidaysatay awooda Argagaxa leh ee ay dadku gelisay kadibna waxay si xaaraan ah ku qaadatay  Gabdhahooda,Dhulkooda oo bed iyo Beeraba leh Shacabkii reer Shabeelaha hoosena  waxay ku soo hareen inay nolosha ka hoos dayaan kooxdan Cabsida u labistay.
3-Dhaqan rogis.
Kolkaad dib u fiiriso taariikhda dadka dega gobolka Shabeelaha hoose iyo waxa ay maanta ku sugan yihiina waa kaafi iyo kala dheeri balse marbaa hadal gaaban qaneeco kuu galaa ee ma istiri “Dab Danbas buu Dhalaa” ayaa meesha taal?
Ma waan gobolka Shabeelaha hoose ka dhalan geesiyadii hogaamiyay boqortooyadii Geledi ee Digil iyo Mirifle,Halyeeyadii Saldanada BiyoMaal ee Direed oo tobansano dowlada reer Yurub ah dhulka u diiday inay cagta soo dhigaan,Ma waanay…Ma waanay…iyo in kaloo badan.
Markale aan isweydiino ee  yaan ka sugaynaa hadaan nahay shacabka gobolka Shabeelaha hoose in ay Habargidir u sheegaan in aan looga baahnayn gobolka misna ay ku laabato halkii ay ka yimaadeen iyo Galgaduud.
Shacabku waa dhamaan Ummadda kol hadii ay sidaa tahay shacabyahow yaad sugaysaa?!
Waxaa hubaal ah in ruux la sugo in aanu jirin oo inoo maqan oo inoo dhaha Habargidir dadkaan way ku neceen ee uga bax Gurigooda ee Shacabyahow u gargaar qadiyadaada oo mar kaliya dhaha oo wada dhaha “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Sidaa si la mid ah Salaadiinta gobolka iyagoon u kala harin gudaha golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ka dhahaan”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
 Culimada waa tiirka ummadu ay ku taagan tahay talada Aduun iyo tan Aakhirana tilmaanta Xaqana ka soocda Xaqdarada,Xalaashana Xaaraanta,Xumahana Wanaaga ee idinkuna dhaha ileen waa Xaqe”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Siyaasiga waxaa ku saaran xil ah in golaha aad ku matasho magaca gobolka Shabeelaha hoose hortiis inaad istaagto aad tiraahdo”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga baxa”.
Aqoon yahanka waxaa saaran xilka hogaanka ummadiisa ee ku aadan masiirkooda waana inuu noqdaa mid kara tilmaana dhahana”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga baxa”.
Fanaanka waxaa saaran xil ah inuu ummadda Afkeeda ka turjumo oo uu ku heeso ku gabyo kuna dhiiri geliyo umadiisa soo dhacsashada Xaqeeda oo dhaha “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
 Saxafiga waxaa saaran xil ah inuu qalinka ku bayaamiyo dhibta uuna yiraahdo “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Dhamaan bulshada qaybeheeda kala gedisan sida Haweenka,Dhalin yarada,Ganacsatada,Xoogsatada iyo Caruurtuba ay wada dhahaan “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Hadii ay tani dhacdo waa hubaal in dhibta Habargidir meesha ku hari doonto ummadduna u bixi doonto Xoriyadeeda kana bixi doonto Adoonsiga iyo Argagaxa loo labisay.
Ee Akhristaha Sharafta iyo Qiimigaba mudanoow ila dheh mar kaliya si aad u taageerto Shacab kaaga baahan taageerada misna aad u garab istaagto Xaqa ugana hortimaado Xaq darada beesha Habargidir ee Shacabka gobolka Shabeelaha hoose”Kunacaye Habargidir dadka uga bax Gurigooda”….Mahadsanidiin.
Abdiaziz ShSalah.

16 COMMENTS

  1. A/aleykum abdulcasiis sh.saalah walaalkey aad ayaad u mahad santahay laakiin waxaan kudu sheegaa Intaan nacnay dadka dhaqanka xun oo uu ka mid yahay indha Cade oo bartay dhicida Iyo boobka goobaale Iyo wixii soo raaco oo qabiil kasto leh haba u badnaadaan dadka ka yimid galgaduud Iyo mudug laakiin dad badan oo aad u fiicana waa ka dhashay dadkaan sida sh.boqolsoon ibraahim cadoow cusmaan Mohamed mataan qaar badan oo Alan halkaan ku kobi Karin laakiin waxaan leeyahay kuwaan dulmiga isku bahaystay Iyo odayaasha ku taageerooyo dulmiga ilaahay haka qabto dadka degan sh.hoose gaar ahaan guud ahaan soomaaliya oo dhan. Mahadsanid

  2. asc wr wb jaamac wa runtaaada dad fiican way jiran lkn mabadna wayo somaliya qabilka kaliya odayga 90 jirka ah iyo kan xalay dhashay xumaan ay iskuracayaan waxaa kajira beshaaan dulmiga soo dhoofisay oo gurigena kentay marka waxaaan dhihi lahaaaa qofwalba guri buu leyahay gurigiisa hakulaabto xitaaa kan walaalow kudhaha ha aaminin danbuu kaaleyaya danta marka uu kadhamaysto wuxu kudhahaa waa looma ooyaane wasa ee si dadban ayuu ku dilaa eee dadkaaan sagirkooda walaakabirkooda ha aaminina ilgaar ah halagu firiyo marabno afkena iyo adinten aayaaaaan iska dilacayna markan wabillaaahi towfiiiq

  3. Asc Bahda http://Www.daafeet.com aad ayaad ugu mahadsan tihiin gaar ahaan qoraaga arikan waa sax, In la yiraahdana waa xaq, Jaamac yare brother Dadka wanaagsan ee H/gidir ka dhashay Waxaan leenahay wanaagiina Galgaduud yuusan kasoo soko marin waayo kama hadlaan waxay mooriyaantooda geysanayaa Marka maahmaah carabi ayaa dhaheysa AAMUSNAANTA WAA KA RAALLI AHAAANSHO, ka gudub inaga keena ugu wanaaga badan Galgaduud ma joogo lagamana yaqaano So H/jinni You must be back

  4. @jamac
    Wadaadada ad soo tirisey hadi ay gobjoog u ahayeen dhibka iyo dulmiga ay dadkan geysanayen o aysan reebin wa shayaadiin alle ka furtey taas ogoow

  5. Habarjini gobalkeena nooga bax mida kale waxaan layaabanhy shabeelada hoose cidan ma hestaan miya gobalka cidan haloo dhiso waxana umahad celineyaa walaalehena biimal jihadka ayaka galen wt ku mahadsantihn

  6. waxaa ku faraxsanahay maanta in walaalena digil iyo biimaal isla garteen inay haal cadow leeyihin,, kaas o ah beshan gaboolada dhaxe ka so hayaantey mida kale waxa raba inan u mahad celiyo geesigii uga horeyey oo shabellade hose ka imid oo habar gidir iska dhiciya waafow iyo qoraaga abdicasis sheikh……… waxan idin shegeyna habar gidir iyo beshan tirada yaro muransde la dhaho sida qorya looga furto dhalan yaro taqana haynaaye ee adinka midooba kali ah.

  7. ku nacnayee habargidirey ,gurigeena nooga bax…ilaahey haka badbaadiyo umadeena dhibka ay wadaan habaaraneey….

  8. waxay ila tahay bax dadkaan kuma baxaan waxay rabaan gaari dameeradii ay baydhabo laga soosaarey oo kale in la saaro taasina waxey utaalaa dadka deegaanka

  9. asc dhamaan waxaan kuraacsanahay aniga jaamac yare maasha allaah kuwiina kale waxaan idin leeyahay hadii aad nacdeen iyo hadii kaleba waxaad tihiin dad naartooda sii shidanaaya dagaalkaa hurineesaana waad heleesiin ilaa uu gurigaaga dhaxdiisa kuugu yimaado, midka ku maah maahay odayga 90 jirka iyo saqiirka xalay dhashay waa isku mid adaaba afkaaga isku dishay oo saqiir xalay dhashay muxuu ka ogyahay xaalada aad ka hadleeso waaba ahlu janee odayga 90 jirka ahna waa lamid sxb haday naxariista alle kaa dhamaatay oo aad rabtid inaad dadka halaagtid illaahay dadka hakaa qabto caqligiina hashaqeeyo oo dhul aadan u dhalanina ha isku mashquulina habargedir dhulkaas waa Dagan yihiin iyo dad kaleba marka waxba ha buun buunina habargedir saas kuguma baxeeso dhulkeeda cid kasaari kartana maleh oo illaahay aheeen illaa waxaan ku nool nahay dayaxa iyo cirif ka cirifka aduunyada marka waaba xaq horta in idinka soomaaliya la idin ka safeeyaa oo edeb darada iyo dulmiga wada ogooyna habargedir waa halboola yaasha soomaali yaaaba idin yaqaana gaalka aduunyada ku nool hadii aad dhahdo waxaan ahay habargedir wuxuu ku leeyahay anaga waxaan kazoo far canay habargedir.

  10. A/aleykum dhamaantiin waad mahadsantihiin ka qaybgalka doodaan waxaanse la yaabahay hadalada muqdisho dulmiga lama kaalmeeyo gobolkaan waxa ay ka qaylinayaan adiga waad ogtahay mana haboona inaad ku faantid gaalka aad sheegaysid xiligaan waxay ka fiicanyihiin umadan dhaqanka oo laga hardan waayay soomali oo dhan gaar ahaan hada ku danbeyso dhibta gobolka sh.hoose gaalada meelkasta ay joogaan wey nabadgeliyaan umadaha la soo qaxiyay ragaan iyo kuwa la mid ah waxay ka taajireen dhiiga umada soomasliyeed.mahadsanidiin

  11. Asc ku jaamac yare waxaan layaabanahay halkaan qabiilka lagu dulminaayo ama loogu hanjabaayo oo loo leeyahay madagna shabeelaha hoose oo halala dagaalo baabana halaka dhigo ayaad ku raacsantahay marka hadal iyo ilkaba waala cadeeyaa wixii dulmi wada meeshaan waaloo jeedaa habargedirna cidii kusoo xadgudubta way halidoonaan jabaabtooda oo ah qax qaxootinimo AMA safeen wadankoo idil la idinka safeeyo mana dhaceeso waxaas in aan waxaas oo kale laga aamuso

  12. muqdisho waan fahmayaa qabiileysiga kugu jira ,laakin mar walba waxaa shaqeyn doona runta beenbeentuna wey dhamaan doontaa..mooriyaanta cadaado iyo guriyoceel ka imaadey waa iney ku laabtaan meeshey ka imaadeen,xiligii tuuganimadana halkaa buu ku dhamaan doona ´..

  13. to Hassan bro qabiil aniga iguma jiro umadoo idilna makala sooco sida adiga oo kale oo qabiilka ku duleestay kaana keenay qabiil dhan oo aka badan inaad tiraahdid ku nac naye nooga bax dhulkeena war dhulkaad sheeganeeso bal dib ugu laabo taariikhdiisa oo noo sheeg meesha Aad ka soo gashay aniga wax ma dulmiyo laakiin wail gay waxaan u taagnaa in aanan gardarada ka aamusin Marka nin yahow hadaad ileedahay qabiil ayaa kugujiro walaahi inaan qabiil kala aqoonin xitaa laakiin saad u hadleesiin bal adiga iska xisaabi

  14. Asc dhamaantin inta xaqa ku socoto iyo inta ale gafsiiyey hadan doodan fikir ka dhibto horta waxan dhihi lahaa dadka dagan gobolka shabeelada hoose wa idinka hada kacaye markey salka idin dhigeysay maxaad

  15. _________HABAR GIDIR________

    • Dhuleysan laheeen majirto____HABAR GIDIR
    • Somaliya oo dhan dhulkeeda iyadaa gumeysiga kacisay____HABAR GIDIR

    •biyomaal AWALBA HABAR GIDIR KUHOOS NOLA

    _____HABAR GIDIR____GEESIGA_____AFRICA

Comments are closed.