Dhegayso…Barakacayaasha Ceelwaaq oo ka canaaya Hoy la'aan

1
42

OLYMPUS DIGITAL CAMERAIyadoo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay ka da ‘een maalmahii ugu dambeeyey roobab lagu diirsaday ayaa barakacayasha ku nool 6da Xero ee ku yaala duleedka Degmadaasi ayaa xilligani waxay ka cabanayaan baahiyo kala duwan sida Hoyga,Raashinka iyo Caafimaadka,

 

Xerooyinka Baantuu 1, Baantuu 2, Qoryooley, Ceel shama,Saakow iyo Kaam Buusaar oo dhammaantood ku yaalla duleedka Ceelwaaq waxaa ku jira ilaa 2700 qoys oo markoodii hore abaaro iyo colaado ay kasoo barakaciyiin gudaha Gobolada Gedo, Bay iyo Jubbada Dhexe, sida ay Ergo u sheegeen guddiga 6 xero.

 

Muqtaar Maxamed oo ka mid ah Gudiga Dadka Barakacayaasha oo  la hadlayey Radiyaha Wadajir ayaa sheegay dhibaatada ay qabaan Barakacayaasha Ceelwaaq xilligan in ay ugu weyn tahay Hoy la,aan,Cuno la,aan iyo weliba caafimaad daro,xilligan oo uu sheegay roobabka da,ay in ay sababeen dhibaatooyin xaga hoyga iyo nolosha in ay la soo deristo barakacayaasha.

Halkan ka dhegayso warbixinta uu Wariyeheenu kasoo diray Baardheere

Barakacayaasha Ceelwaaq oo ka cabanaya Hoy la,aan 

Ku dhegayso Moobilkaaga 

1 COMMENT

Comments are closed.